Hargeysa, January 4, 2012 (Haatuf) - Gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshada golaha guurtida xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah xildhibaanada golahaasi ugu jira gobolka Sool ayaa sheegay in shirka beelaha Dhulbahante ee laga abaabulayo degmada Taleex ee gobolka Sool laga wada qorshe Somaliweyn oo lagu minjo xaabinayo qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland, waxaanu tilmaamay in ciidamo gaadhaya afar boqol oo askari oo mushahar ka qaata Somaliland oo deegaankaasi Taleex lagu qarameeyay ay ilaalinayaan madasha Taleex ee loogu shirayo qaranimada Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray in masuuliyiintii xukuumada ee lagu dilay magaalada Laascaanood muddadii talada dalka ay haysay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo aanay jirin cid kaliya oo loo qabtay oo Maxkamad la horgeeyay.

Md C/qaadir Indho ayaa sidaasi ku sheegay xogwaran kooban oo uu Haatuf shalay ku siiyay xarunta golahooda, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirkaa Taleex midnimo Somaliweyn baa laga wadaa, qaraniamda Somaliland baa lagu soo weerarayaa, ciidamo iyo maamul baa laga soo saarayaa, shakhsiyaadka shirkaasi abaabulaya ee midnimada Somaliweyn wadaa waa waxay waligoodba wadi jireen, laakiinse waxaa ka xun Somaliland-ta xagan joogta oo ciidamo aan jirin mushahar iyo raashin bilkasta ugu dirta Taleex oo ay leedahay Ciidan afar boqol oo askariya ayaa jooga degmada Taleex, anigana Xudun afar boqol oo askari ayaa ii jooga, Dhulbahante oo shan kun oo ciidan ahi u qaramaysan yihiin, oo afar boqol oo askari bishiiba raashin iyo mushahar gaadhaya 100,000 dollar loogu diro Taleexna ay joogaan afar nin oo dhulabahante ah oo Somaliweyn wadaa waa la celin kari laayahay waa arrin nasiib daro ah”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Anigaa xildhibaankii Taleex ah waana xaaraan iyada oo afar boqol oo askari oo Somaliland mushahar ka qaata ay joogaan goobtaasi in shir lagu minjo xaabinayo qaranimada Somaliland lagu qabto Taleex, ciidamada ilaalinaya goobta lagu shirayaana waa ciidankii Somaliland ee la qarameeyay, sidaa darteed waa inay xukuumadu cadayso ujeedada ciidanka Somaliland ka mushahar qaataa ay u ilaalinayaan madasha laga wado qaran duminta Somaliland, ta kale masuuliyiintii xukuumada ee lagu laayay magaalada Laascaanood ee la dilay muddadii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo gaadhaya sodomeeyo qof ilaa hada ma jirto cid loo hayo dilalkaasi oo Maxkamad la horgeeyay”.

Md C/Qaadir Indho

Haatuf.