Raysal wasaaraha Somaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Gaas ayaa manta ka dhoofay
Adancade International Airport,Mogdisho.Safarka Raysal wasaaraha ayaa waxaa
weheliyay qaybo kamida Dawladiisa, waxayna u kicitimeen Nairobi, Kenya.
Raysal wasaaraha ayaa laguwadaa in uu kula yeesho wadahadal Madax Caalami ah
magaalada Nairobi, Kenya. Waxa uuna ku faah faahin doonaa Raysal wasaare Cabdiwali Gaas waxa uqabsoomay intii uu xukun hayay.
Ayadoo inta badan laga wada dharagsantahay horumarka guud ee uusameeyay Cabdiwali intii uu xukunka hayay laakiin uu hada caqabo kala kulmay dad aan doonayn in Soomaliya ay ku istaagto cagaheeda kana baxdo kumeel gaarka.
Hadaba Raysal Wasaare Cabdiwali oo lahadlay warbaahinta ayaa u sheegay intii uusan duulin In uu ugasii gudbi doono Dalka Jabuuti oo uu casumaad ka helay.
Hornafric.com
RAYSAL WASAARE CABDIWALI OO U AMBA BAXAY NAIROBI,KENYA.