
KULANKII MAANTA SHARCI DARO AYUU AHAA LOOMA DULQADAN KARO INTAA KABADAN ....
..
Muqdisho(Pi) Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Golaha Abniga Qaranka Soomaaliyeed ayna goobjoog ahaayeen Madaxweynaha, Ra’iisalwasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiiro ayaa laga soo saarey Warsaxaafadeed lagu dhaleecaynayo rabshadihii ka dhacay Baarlamaanka laguna tilmaamay in kulankii maanta ay Xildhibaanada qaar yeesheen uu ahaa mid sharci daro ah,waxaa kaloo lagu tilmaamay rabshadaha iyo buuqa ay wadaan kooxda diidan Gudoomyiha mid aan loo dulqaadan karin.
Warsaxaafadeedka ayaa u qoraa sidan;- Guddiga iyagoo tixgelinaya marxalada adag ee dalku marayo iyo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo fadhiyada joogtada noqday ee buuqa iyo rabshadaha wata, waxay u arkeen in ay lama huraan tahay in ay go’aan ka qaataan si loo badbaadiyo sumcada iyo magaca qaranka Soomaaliyeed, waxay go’aansadeen qodobadda soo socda:
a) In kulanki manta iyo kuwii ka horeeyaba ee lagu dagaalamay iyo go’aanadi kasoo baxay ay ahaayeen kuwa aan ku fadhin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.
b) In baarintaan deg deg ah lagu sameeyo fal danbiyeeyadi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawac iyo burbur hantiyeed.
c) Si looga hortago qalalaaso hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo waa in lasoo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub.
Ugu danbeyn, Gudiga Amniga Qaranka wuxuu u soo jeedinayaa dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan Axdiga Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo saldhiga u ah shuruucda dalka. DHAMMAAD
Shirka waxaa shirgood ka ahaa Madaxweynaha Soomalaia Shariif Sheekh Axmed, Waxaana goobjoog ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Xasan , Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,,Wasiirada Cadaalada,Warfaafinta iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir