Afgambiga farmaajo iyo Faqi xagee gaari doonaaa?
Waxaa Magaala madaxda Soomaliya ee Muqdisho kasoo dagay shalay Wasiirkii hore ee Gaanshaandhiga ee Xukuumadda Farmaajo. Hadaba imaatinkiisa ayaa waxaa la rumaysan yahay in uu qayb ka yahay siyaasad ay wadaan isaga iyo Kooxda Farmaajo oo aad moodo in aysan ka quusan Siyaasada.Hadaba dad badan ayaa aminsan in Abdikariim Xaaji Faqi uu doonayo in uu isu sharaxo in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaka maadama uu kasoo jeedo Gobolada Bay iyo Bakool.
Cabdikarim Xaaji Maxamuud Faqi ayaa maanta isla markiiba yimid xarunta Golaha shacabka ee Moqdisho ayadoo la aamin sanyahay in uu soo qaaday dhaqaale aad u fara badan oo uu doonayo in uu wax ku fur furo.
Ayaad daro sidii ay u dhacday Dawladii Farmaajo faqi iyo Farmaajo midna kama qayb qaadan dib dhiska dalka laakiin waxay kujireen olele siyaasadeed si ay markale uga muuqdaan masraxa siyaasada ee Soomaliya. Dhawaan ayay ahayd markii Farmaajo iyo xulafadiisu ay shir ku ololeeyeen Roma,Italy.Hayeeshee wax mira dhal ah kama soobixin, waxaa intaas dheer markii la shaaciyay war qad ay ku qornayd in Farmaajo iyo Cabdikariim kasoo hor jeesteen Heshiiskii Garowe kadhacay kaasoo ay ku heshiiyeen madaxda Soomaliya.
Hadaba hanka Farmaajo iyo hiigsashada siyaasada aan dhowrno meeshay ku biyo shubato..
hornafric.com
Contact us. Webmaster@hornafric.com