NINA CAADADII MADAAYO BAHALNA CEERIIN MADAAYO.
Soomali farabadan ayaa islahaa hadii ay dagaal oogayaashii Soomaliya noqdeen xildhibaano xaaladu waa ka fiicnanaysaa saas laakiin ayaa daro waxaad Moodaa bahalna ceeriin madaaayo nina caadadii maadayo. Dagaal oogayaashii loomagacabay in ay noqdaan Xildhibaano oo ay Soomalida inteeda badan kasugaysay isbadalka siyaasadeed, hurumar laataban karo iyo kasamata bixin dhibaatooyinka baaxsan ee ku habsaday umada soomaliyeed 21 sano oo lasoo dhaafay.
inta badan umada Soomaliyeed waxay la ciir ciirayaan Nabad xumo, nafaqo xumo, iyo naxariis daro kasoo gaaraysa Shabaab. Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta Markii afaraad kabilawdeen gacan kahadladii caadada noqday maalmahaan.
Waxaa halkaas Dhaawac xun kasoo gaaray Wasiirkii arimaha gudaha ee dawlada farmaajo xiligeedii, kasoo maanta loola cararart Isbitaalka.Ula jeeedada kadambaysa dilkaan ayaa lasheegay in ay ahayd dorasho lasamin lahaa oo uusan raali ka ahayn.
hadaba waxaa iswaydiin leh Yaa la dooranayaa yaase wax dooranaya? Sow dowladu masoo ban dhigin in inta laga gaarayo 4 sano oo soo socota in
wax lagu qayb sado 4.5 markaas kadibna in cidii doonaysa in ay is sharaxdo ay is sharaxdo.madaama maanta aan la gali karin wax ELECTION ah sababtoo ahdalkoo oo aan amaan ahayn, anagaoo aan haysan dhaqaale nagu filan oo lagu hawlgaliyo iyo dalka oo aan amaan ahayn dadkuna aysan si xor ah wax udooran karin maadama uusan dalku ugu jirin gacanta Dawlada Soomaliya.
Waxaas taas kasiidaran waxaa layiri waxa la riday gudoomiyihii Baarlamaanka iyo ku xigeen kiisii, waxaa is waydiin leh xagee waxaan oo kale ka dheceen maxaase lagu soo eedeeyay labadaba ............Soomalidu waxay tiraahdaa hal maqaarka diidan meel ay ku gilgilato ma waydo, waxaa fiican in ay yiraahdaan
waxaan kasoo horjeednaa Dawlada waxaana rabnaa in aan dumino. Waxaan umalaynayaa in ay dadka Soomaliyeed ka sugayaan dawlada Soomaliya sidii ay wax uga qaban lahayd Dagaal oogayaashii hore ee dalka qaribay in ay marlabaad ku celiyaan 21 Sano oo kale oo bur bur ah.