Marka hore dhaman Umada Musliminta ah waxan ku salamayaa salanta islamka (ASC WR WBR) bacada salaam, waxan jeclahay in aan maqaal ku saabsan siyasada gaarka ah ee Labada Cali (Cali Ciise Cabdi Iyo Cali Khalif) ay ka leeyihiiin shirka Khatumo iyo u jeedada dhabta ah in aan ku soo gudbiyo qoraal. Sida aan rajaynayo, maqalkani wuxuu indho u noqon donaa dad badan oo aan ka war hayn khiyanada kuwo harag shabeel huwani ay ka wadaan dhulbahante dhexdiisa, iyo ujeedadada ay ka leeyihiin ereyada hadoodalan iyo kuwa ay indhaha kasoo xidheen ay iska soo hormariyeen, iyagoo usoo dhiibey been maqaar sar ah.
Baadhis badan kadib, waxaa soo if baxaya siyaasada dhabta ah ee loo soo abaabuley shirka khaatumo, isla markaana loo qabto si ka duwan shirarkii beeshu yeelan jirtey. Su’aalahaas waxaan jawaabtooda ku muujinayaa qodobada soo socda, iyadoo aan isla markaa qeexi doono waxyaalaha guracan ee loo baahanyahay in la is weydiiyo.
1. akhriste, ma is waydiisay sababta shirkan loo qabanayo?
2. Yaase shirkan gacanta kuhaya? Ma caddahay ujeedooda siyaasadeed ee shirku?
3. Maxaa looga jeedaa in ergada shirka ka soo qayb galaysa iyo kuwa qabanayaa ay u badan yihiin kuwo si gaar ah loo soo xushay, isku waxna aaminsan?
4. Maxaa sababay in Mamulkii iyo Ururadii hore u jiray lagu yidhahdo Qaab Qabiil shirka kaga soo qayb gala, lana kala diro iyadoo aan cidna cod looga qaadin?
5. Yaasi awooda dheeraadka siiyey G6?
Hadaba adigoo dhowraya qoraalkan racaya fikirka saxda ah, isla markaana eegaya rabitaanka bulshada, waxad naftada waydisaa su’alahan, jawabaha ku soo baxaana waxay ku tusi karaan waxyaabo badan oo kaa qarsonaaa.
Hadii aynu u soo noqono G6 iyo group-kan hada soo baxay ujeedada ay wataan, waxa weeye burburinta iyo kala qaybinta bulsha waynta dhulbahante, taasna waxa kuu cadaynaysaa wax qabadkii Aqoon yahanada iyo waxgaradka dhulhabante oo la inkiray, cagta hoosteedana la dhigay, lagana soo qaaday waxba kama jiraan. Shirka khatumo waxa la rabaa in lagaga dhawaaqo mamul iyo xubno u shaqeeya Ethiopia/Soomaliland. Hadii aysan taasi jiran, maxaa loo sheegi wayay waxyabaha shirka lagaga hadli doono , shirkan ma dowlad dhulbahante leeyahay ayaa lagu dhisayaa, ma qabiilo is haya ayaa lagu heshisiinayaa, mise labada mamul ee inagu xeeran ayaa mid lagu birayaaaa! Dadku waxay mar walba is waydiyaaan sababta loo qarinayo ujeedada shirka, laakin waaa in dhulbahante ogadaaa in qabashada shirka khaarumo ay ka dambayso siyaasad guun ah oo Ruug Cadaa ah, hadii aan si taxadar leh aan idiin tuso SSC yay,
Cali Ciise Cabdi ujeedada uu ka leeyahay shirka khatumo waxay tahay dhisid maamul taabaacsan somaliland ama in dhulbahante ku biiro somalidiidka. Ujeedada ka dambaysa maaha mid uu isagu fikirkeeda leeyahay laakiin waa mid ay wadato maamulka Ethiopia , waxayna doonaysaa in hab siyaasadeed loo bedalo gacan ka hadalkii isaaqa, aduunkana lo sheego in dhulbahante oo midaysan uu racay Somaliland. Taas waxa cadaynaysa xafiisyada uu ku leyahay Hargaysa, iyo Ethiopia. Labadaas xafiis oo aanu doonaynin inuu midkoodna xidho, balse uu rabo in ay danahiisa dhaqaale iyo sayaasadeed u adeegaan.
Sidoo kale Cali Ciise Wuxu Hargaysa yimi 11/12/2011, wuxuuna kulan laqaatay masuuliyiin aan magacooda la shaacin, ilaa iyo hadana lama cadaynin sababaha uu halkaas u tegey, isagoo dhinca kale ka wada xoroynta dhulka dhubahante ee Issaqa gacanta ugu jira. Waana laba arimood aan is qaban karin. Xoraynta iyo midaynta dhulbahante haddii ay ka dhab tahay, maxaa keenay in la baabi’iyo lana diido Mamulkii SSC ee beesha kiciyey, ururkii NSUM ee dagaalka keli ahaan ula galay Soomaali-diidka? Caqliga fayoobi wuxuu diidayaa in wax kuu dhisan la dumiyo, wax aan jirinna la dhiso. Garashada sidaa ku salaysan, waxay dadka ka dhigaysa, ama moodayaan kooxda shirku, in aanay wax Garaad iyo aqoontoona lahayn.
Mida labaad ee aan rabo in aan ifdiimiyo waxay tahay sida aynu hadalkiisa ku hayno taariikhdu markay ahayd 28/12/2011 malinimo arbaca ah ,waxa uu yidhi Cali Ciise 120 qof ayaa fikirkoda ku keenay in shirkan la qabto hadii uu hadalkaasi run yahay meeye 120 xubnood ,yeyse kala yihiin, fikirka ay xambarsan yihiin muxuu yahay, ujeedada hadalkiisu ma G6 (A5)Ayaa ka soo hadhay 120 qof miyaa? hadii jawaabtu ay tahay haa shirkii Nairobi waxaa isugu yimi dad kor u dhaafaya 500 oo qof oo isugu jira Garaado, Cuqaal Waxgarad Aqoon yahanao, Akhriste bal is waydii sababta keentay in 120 taladooda la qaato 500 ee qofna ladiido.
Midna aan idin su’aale dhulbahante 120 xubnood masiirkiisa ma ka talin karaan, halkas waxa ka cad in G6 iyo dadka la shaqaynayaa ay yihiin kuwo ku socda tilmaan, waayo waxa taas ku cadaynaysa in ay jiraan laba nin oo ku sugan puntland gudaheeda oo la doonayo in fikirka G6 ay ka dhaadhiciyaan Isimada iyo Cuqasha kusugan Garowe. “Dr Cali Ciise waxaa uu sidoo kale kula dardaarmay kooxdooda gudaha ku sugan in ay xidhiidh la sameeyaan labanin oo lagu kala magacaabo Axmed Diiriye iyo Cabdirisaaq Godane oo u xilsaaran in ay Isimada ku sugan magaalada Garowe ka iibiyaan fikiraka G6.”
Hadalkan waxa lagu ogaday shir talefon oo ay yesheen G6 iyo G15 .14 September 2011Sidoo kale Cali khaliif waxa uu kamid yahay Group-ka isku magacabay G6 wuxuuna hor boode ka yahay ku biiritaanka mamulka Somaliland,Cali khaliif wuxuu ku can baxay xaasid nimo wayo waxa muuqda dhibatoyinkii uu u gaystay deganada SSC .waxana taa ku cadayn kara heerka uu ka tagan yahay dhulbahante.. wayo Cali Khaliif waligii dhulhabante wax uma qaban iskadaa in uu wax qabtee ma shegin mowqifkisa ku aadan midnimada SSC.
Cali Khalif wax yeelo waxa ugu filan hadalkii uu ka dhex yidhi SSC ee ahaa.. wiilkaygacurad ma yaqaano qolada uu yahay …… sido kale mar lawaydii yay wiilka cali khaliif qoloada abihii yahay waxa uu ku shegay in uu yahay Democratic hoydiina tahay Republican… ninka caruurtiisu sidaas tahay miyaaa dhulbahante wax laga waydiinayaaa ..jawaabtu wa maya somaliduna waxay ku ( mahmahdaa tiisa daryelaa tu kale ku dara ) cali khaliif marka uu gurigiisa ka soo dhamaado caruurtisana soo baro waxay yihiin iyo isir ahaan mesha ay ka so jedaan,, markas ka dib ha u soo gudbo arimaha dhulbahante
hadal iyo dhaman bal aynu eegno dhibatayinka cali khalif ku hayo Gobalada SSC iyo Bulshada Dhulbahante.
Gobalka Cayn
Cali khaliif Galaydh oo ah aqoonyahay SSC waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan yahay burburinta midnimada gobalka Cayn waxaa ku jira nacayb qoto dheer oo aan lagaranayn sababta ka dambaysa. Anigoo wali ku dhex jira cadayntii cali khaliif waxa laga hayaa hadalo uu shir ka dhex yiri hadalkas oo ahaaa reer buuhoodlow is difaacde joojiya siyasada xoowliga ah …. Bal u fiirso hadalkaas macnaha uu ula jeedana waxay tahay wuxuudurayaa xilalka ay Reer SSC ka hayaan Somalia ha ahaato ssc iyo Dawladda Federalka ah ee somalaiyaa.
Intas waxaa sii dheer, in Cali khaliif SSC la daba tagan ayahay dhibatooyin aan muuqanayn tasoo uu uga danleeyahay hagar damaynta gobaka cayn kana xun siday wax u qabsadeeen reer SSC.
Cali Khaliif maaha nin danaha SSC u socda isaga oo badanaa ku qaraabto ee waa mid ku socda dano qof kale leeyahay in uu bur buriyo .. sida tariikhda ku cad sanadkii 1984 xilikiii Cali Khaliif kabaxsaday dowladii kacanka ahayd . ayaa madaxwaynihii dalka taladiisa hayay alle ha u naxariistee Max’med Siyaad Barre Cali Khaliif ku tilmaamay nin dantii yaqaan ah oo aan cid kale wax la rabin tusaale hadii aynu usoo qaadano magaalada Buuhoodle Mashaqdii ka dhacday Aangalo 2006 ee labada qolo ee sokeeyaha ahi isku gacan sareen wax garadkii iyo culumadiina ku maqan yihiin waa kii Cali Khaliif yimi Buuhoodle ee masajidkana ka Khudbadeeyay isaga oo taageero dhaqaale iyo mid bulshaba ka doonaya Reer Buuhoodle kuna jira ololehiii doorashada iyo lacag uruurinta garaad jaamac garaad cali iskadaa in uu dhex dhaxaadiyo ama ciidan kala dhex dhigo belihii wallalaha ahaa ee is dilaye xataa umuu tacsiyadaayn dadkii ku kala dhintay taasina waxay ku cadaynaysaa in uu yahay nin aan ka xishoonayn dantiisa,waxaa hadalladiisii ka mid ahaa “waxaa Buuhoodle Iigu dambaysay 1958 anoo arday ah.
Sidoo kale labada urur ee SSC iyo NSUM waxa uu ka dhigay in ay yihiin ururo laga leeyahay meelo kalele isagoo ku calamadinaya qabiil iyo qabyalad Cali Khaliif markii uu Embgati joogay wuxuu u yeedhay odayaal ay ka mid ahaayeen (AHN) Garaad C/qanii Garaad Jaamac Garaad C/laahi Garaad Soofe iyo CH.Caaqil Maax’uud X. Cumar Camay markii Ciidan ka amar qaata Axmed Xaabsade iyo COll. Godhabay (AHN) ay celiyeen Odayaashii Cali Khaliif BBC laanta Yuusuf Garaad Ayuu waraysi siiyey waxaa hadalkiisii ka mid ahaa “ wax Garadkii dhulbahante ayaa la celiyey oo Garaadadii iyo cuqaashii ka mid yihiin isagoo mid u sheegay magacooda sanadkana wuxuu sheegaya Inaan X.Max’uud C.Camey Caaqqilna ahayn Garaadna ahayn Issimaduna Koore ka furadyihiin taasi waxay ku tusaysaa danaysta nimadiisa iyo xaasidnimadiisa.
Gobalka Sool
Sida lawada ogyahay qabsashadii magalada lascanood waxa sababteeda lahaa Cali Khaliif Galaydh, sababaha uu uga dambeyayna waxay hayeen arimo siyasadeed oo dadka qaar aysan ogayn Magalada lascanood qabsashadeeda waxa gacan wayn ku lahayd Dowlada Ethiopia, waxana arintaas sababteeda lahaa Cali Khaliif Galaydh oo sida la wadada og yahay siyasadiisu ay ahayd mid wax yeelo wayn u gaysatay dhamaan dheganada dhulbahante garahaan Gobalka Sool
Tusaale ahaan hadii aynu soo qadano qodabada ugu muhiimsan ee sababtay qabsashada Sool waxaa ka mid ah
1. Cali Khaliif Xiligii uu PM Ka ahaa Somalia waxaa Cadawad Xuni dhex martay Dowlada Ethiopia , Cadawadas oo ka soo jeeday Khilaaf dhex maray Cali iyo Cabdilahi Yusuf
2. Cali khaliif waxa uu lascanood keenay dhalinyaro wadaado u badan oo hadaf koodu yahay Burbirinta mamulka Ethiopia cawimana siin jiray jabhada ONLF
3. Isku day uu isku dayay in uu afgambiyo mamulkii Cabdilahi Yusuf Ee P/L , Sida Uu shirwaynihii Khatumo 1 Kashegay waxa uu Gacan wayn ku lahaaa Dagaladiii P/L Xiligii Cabdilahi Yusuf iyo Jaamac Cali Jamac
Arimahasoo dhan waxay ka mid yihiin sababihii ka keenay in Gobalka Sool uu Faraha ka baxdo, dowlada Ethiopia waxay talo mooday wareejinta Gobalka Sool, iyadoo kaga cad gosanaysa Cali Khaliif Galaydh Qodabadan Kor ku qoran waxan qoray oo daabacay journal ka soo bay wadanka Ethiopia oo lagu magacaabo Ethiopian Journal wuxuuna soo baxay 21/3/ 2008.
Intas waxaa siidheer xiligan la taagan yahay waxa jira arimo aan wali laga war hayn balse la ogaan doono shirka ka dib, Tusaale ahaan waxa hada taleex ku sugan in kabadan 28 gaadhi oo tigniko ah iyo dhowr boqol oo ciidamo ah, ilaa iyo hada lagama war hayo cida saxda ah ee ay ka amar qadan doonaaan, wayo cidama mesha jogaa maha isku fikir iyo isku mowqif tona beel waliba way gaysatay ciidan iyo rag uga qayb gala shirka , dhulbahantow ma is waydiiseen hadii laba ka mid ah masuliyiinta shirka mamulayaa ama raga awooda ciidan mesha ku haystaa hadiii ay is afdhafaan waxa mesha ka dhici kara,,, hadii ayba wax dhacaan yaa masuliyadaa Iska leh.
Mid yarna aan iftiimiyee maxaa loo sugu wayay ina khilaafka Taleex ka jiraa la dhamaynayo waa maxay sababta loo dada jinayo shirka. Maxase keenay in ergadii shirka ka qayb gali lahayd ee qurba joogta u badnayd ay berbera ka soo dagaan lascanoodna ku qayilaan?
Wablahi Towfiiq…….
Jamal Ciise M. Aden
Milano, Malaysia
rawe09@yahoo.com