Raysal wasaaraha Soomaliya Cabdiwali Gaas, Golihiisa wasiirada iyo Xildhibaano ayaa maanta kasoo dagay Magaalada Baladwayne ee goloka Hiiran.

Ula jeedada socdaalka Raysal wasaaraha iyo gudigaan waxuu ahaa sidii loogu kuur galilahaa xaalada Magaalada loona adkayn lahaa amniga magaalada loogana saari lahaa dhamaan Shabaab meelaha ay haystaan.Hadaba Raysalwasaaraha iyo wafdigisu waxay kulamo laqaateen dhamaan dadka daga Magaalada Baladwayne sida Culamaa udiinka, Nabadoonada,Siyaasiyiinta.iyo Aqoonyahanada.

Sidii looga saaray Magaalada Baladwayne Xoogag Shabaabka ayaa waxa magaalada la wareegay ciidamada dawlada oo kaashanaya ciidamada Eithopia.Hadaba waxaa soo baxaya in maamul u ay udhanyihiin dadka daga Hiiraan, laga samayn doono magaalada Baladwayne, taasoo ay aad ula riyaaqeen Madaxda Dawladu.

Tan iyo sidii uu udhacay dagaalkii sokeeye ee Soomaliya ayaa waxa Gobolka Hiiraan gabood ka dhigtay Ciidama Eithopia oo hadba nin ay ku shaqaysato u dhiibata.

Hadaba waxa is waydiin leh Hiiraan ma ka xoroobi doontaa daban daabyada Eithopia mise waxay ku noqon mar xaladeedii hore?