


Shirkii shalay ka bilowday Wadanka Jabuuti oo ay ka qayb galayeen wadamada IGAD, ayaa Dawlada uu hormuudka u yahay Ismaacil Omar Gelle isku dayday in ay ka reebto Shirka Garabka uu hogaaminyay Muuday ee uga qaybgalilahaa Dawlada Soomaliya.Ayaandaro waxaa tani timid markii dhan ka qaswadayaashu ay soo dirsadeen wafdi kale taasoo la aaminsanyahay in ay Dawlada Jabuuti kadambaysay.
Hadaba arinkaan ayaa waxuu dhaliyay muran lixaadle igad dhex deeda taasoo ay Dawlada Jabuuti isku dayday in ay u ololayso garabka dagaal oogayaasha hayeeshee waxaa taas ka horyimid wadama IGADoo kutilmaamay sharci daro.
Garabka qaswada yaasha waxaa hogaaminayay Ahmed Dhimbil Casaawe halka garabka Shariif uu hogaaminayay Muuday
Ugu dambayntii waxaa shirka ku guulaystay in ay ka qayb galaan garabkii Muuday ee Shariif soo diray.
Maha markii ugu horaysay ee Ismacil Cumar Geele uu kusameeyo umada Soomaliyeed dabab daabyo caynkaan oo kale, waxaana tusaale kuugu filan sida uu
uraadinayay Ismaaciil Omar Geelle Cid isaga kaliya dhagaysata taasoo uu ka helay Koonfurta Soomaliya kaliya.
Waxaa magaalada Jabuuti lagu soo doortay Cali Mahdi,Cabdiqaasim Salad Hassan, iyo Sheik Shariif intaba waxaa ka dambeeyay Ismaaciil Omar Geelle isagoo kalahaa Ula jeedo gaar ah.
Tii ugu dambaysay Waxay dhacday Markii uu usoo diray Soomaliya Ciidan dhan 800 oo Askari kadibna Ismaaciil Omar Gelle isku dayay in ay ilaaliyaan Ciidan kaan oo dhan Dakada, Airport Xamar, iyo Madax tooyada si aan hal askari uga dhiman, markii taas laga diidayna uu yiri 250 kamida Ciidanka waa taba barayaal, yay taba bari doonaan, yaase way diistay taba barayaasha?. Waxaad moodaa Ismaaciil Omar Geelle In uu wax ka arko kana MaqloMeeshii uu wax kaheli karo tana waxaa tusaalle kale kuugu filan France oo ku lahayd Saldhig wayn dalkaas in Ismaaciil mid kale ka gaday maraykan si uu macaash uga hello.
Hadaba waxa is waydiin mudan Dhaqanka Ismaaciil Omar Gelle iyo Dhadhanka uu raadinayo kee ayaa guulaysan doona?.