
| Sunday, 18 December 2011 13:39 |
MADAXDA DAWLADA SOMALIYA OO MOW QIF IKU MIDA KA QAATAY GO AANKAN.
Madaxda Dowladda Soomaaliyeed ayagoo tixgelinaya marxaladda dalku marayo, xaaladda siyaasadeed iyo mida amni. Waxay wadatashi la sameeyeen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka iyo Beesha caalamka ayagoo tixgelinaya; a) Axdi KMG ah ee Soomaliyeed oo saldhig u ah shuruucda dalka b) Heshiiskii Kampala (Kampala Accord) iyo c) Taabagelinta Roadmap-ka Kadib, markii shaki laga muujiyey:
Sidaas awgeed, Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ayagoo ixtiraamaya madaxbanaanida Baarlamanka waxay soo jeedinayaan: a) In Baarlamanku Shaqeeyo bilaabana kulamdiisa joogtda ahaa si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah b) In la tixgeliyo Marxaladda xasaasiga ah Dalku marayo c) In la raaco sharuucda Baarlamanka iyo xeer hoosaadyada d) In la dhowro heshiikii Kampala (Kampala Accord) e) In la dhowro Axdiga KMG ah ee Soomaaliyeed |