
ildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay markii afaraad ay maanta isu garaaceen Xaruunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.
Xildhibaanada ka soo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxay maanta kullan balaaran ay ku yeesheen Xaruunta Golaha Shacabka, iyagoo markaasi dhageysanaayay ilaa shan musharixiin oo u taagan, Kursiga ay sheegeen inay ka tuureyn Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaanada oo meel wanaagsan ay wax u mareyso ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray Xildhibaanada taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo uu dhinac ka hogaaminaayay Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Wasiir ku Xigeenkii hore ee Arrimaha Gudaha.
Xildhibaanada ayaa waxaa la-sheegay inay maanta si ka culus isugu dagaalleen Xaruunta Golaha Shacabka, 3-dii jeer ee ay ku dagaalameen Xaruunta Golaha Shacabka, oo xaruun u ah Xubnaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.
Wararka ayaa waxay sheegayaan inay dhaawacmeyn ilaa shan ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, waxaana ka mid ah Xildhibaanada dhaawacantay Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Xildhibaanada qaarkood ay laba laba isugu garaaceen goobtaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay in Xildhibaano badan lala dhacay kuraasta fadhiyada.
Waxaa xilligaan Xaruunta Golaha Shacabka ku sugan Xildhibaanada ka soo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaa oo doonaaya inay suurta gelliyaan ujeedkii ay u yimaadeen, waxaase goobtaasi laga saaray iyagoo si weyn loo-juuciyay Xildhibaanada taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan.