BUUHOODLE OO GACANTA U GASAY MAAMULKA SIILAANYO.
Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa lasoo sheegay in ay gacanta u gashay Maamulka Siilanyo.Tan waxay kadambaysay markii uu ka xumaaday
Siilaanyo Maamul dhawaan looga dhawaaqay Taleex. Dadja daga deeganada Sool, Sanaag, iyo Cayn ayaa shir uga socday maalmahan kasoo saaray go aan ah in
ay samaystaan maamul iyaga u gaar ah,kaas oo kamadax banaan Somaliland iyo Puntland.
Hadaba waxay tani ka xanaajisay Maamulka la labaxay Soomaliland, kasoo madaxwaynaha maamulkaas Siilaayo uu ka sheegay shir uu u qabtay Golahiisa
Maamiltii Sabtida inuu talaabo ka qaadi doono waxa uu ugu yeeray qaswadayaal.
Arinkaan oo la garanayn meel uu ku dabayn doono ayaa moodaa in uu keeni doono dagaal sokeeye oo gaysta qasaare ba an.