Banaanbax aad u balaaran oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo ay ku muujiyeen Dumarka magaalada Muqdisho taageeraha ay u hayaan

Shirkii ka dhacay garoowe kaasoo lagu siiyay xubin fiican Dumarka Soomaliyeed.Tan waxay ahayd markii ugu horeysay oo dumarka Soomaliyeed ay ku muujiyaan Shucuurtooda intoo ku dhaqan magaalada Muqdisho.Sababtoo ah amaanka magaalada kajiray iyo caga juglayntii oo aad moodid mid aan hada meesha ool.

Kumanaan kan maanta isugu soo baxay socod dheerna ku maray wadada u dhaxeysa Taaladii SYL iyo Xaawo taako kuwaasoo maamuus u sameynayay maalin ay ugu magac dareen maalinta socdaalka saddexda kun ee haweenka Soomaaliyeed.

Munaasabadan oo ay soo agaasintay wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa waxaa lagu casuumay Drs. Marwo Hodan Ciise oo ah marwada Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali waxaana munaasabadan ubax lagu dhigay taaladii Xaawo taako oo ka mid aheyd haweenkii halgamayaasha Soomaaliyeed.

Haweenkan ayaa ugu dambeyntii isugu soo uruuray gudaha Tiyaatarkii Qaranka Soomaaliyeed halkaasoo ay ku sameeyeen gaada ka cayaar, heeso, ciyaaro kala duwan.

Haweenkan ayaa waxa ay taageereen miraha shirkii Garowe ee 21-23 2011 ka dhacay waxayna talaabo wanaagsan ku tilmaameen qoondadii haweenka ee aheyd %30 (boqolkiiba sodon) in laga siiyo haweenka Soomaaliyeed guddiga ansixinta Dastuurka (Constituent Assembly) waxayna madaxda dowladda ugu baaqeen inay dhaqangeliyaan qoondadaasi haweenka loogu balanqaaday shirkaasi Garowe.

Haweenka ayaa waxa ay madaxa ku soo wada xirteen maryo isugu jiray cadaan iyo cagaar waxayna xuseen inay ka tarjumeyso marada cad sida haweenka ay nabadda u jecelyihiin ugana shaqeeyaan halka mida cagaarana ay mataleyso Barwaaqo.

Ugu dambeyntiina waxaa halkaasi ka hadlay Marwada Ra’iisul wasaaraha Drs. Hodan Ciise, Wasiirada Haweenka Drs. Caasho, Xildhibaan Qadiijo Diiriye, Drs. Batuulo iyo xubno kale oo ka mid ah haweenkii hormuudka u ahaa munaasabadan iyaga oo ka jeediyay khudbooyin kala duwan kuwaasoo ay diirada ku saareen midnimada Haweenka, Nabadda, iyo in la taageero Dowladda si looga boxo dhibaatada iyo dagaalada. SR DH

halkaan ka daawo sawirada.