Puntland oo Horay U Socotay iyo DF oo Hada Hurdo Ka Toostay.

Dawlada Puntland ayaa Fasaxday Xisbiyadii u ordi lahaa Doorasho Hal Cod iyo Hal Qof.Madaxwaynaha Puntland Dani ayaa Bilaabay Xisbigiisa oo u bixiyay KAAH. Xisbigaan oo uu isagu Gudoomiye u yahay ayaa waxaa ku xigay Asxaab kale kuwaas oo dhamaantood Diiwaan Galiyay Xisbiyadooda ugana dabaal dagay Caasimada Puntland ee Garoowe.

Ayaandaro, Madaxwayanaha Puntland oo Xukunka haya mudo Labo sano ah waxuu u socdaalay Caasimada Galmudug si uu uga qayb-galo shir Madaxwayanaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu DG kaga codsanayo mudo kororsi.

Arinkaan ayaa u muuqda mid uusan Madaxwayanaha Puntland aqbalaynin maadama Shaqadii isaga u taalay uu soo fuliyay taas oo ahayd Balanqaadkii uu la galay Shacabka Puntland oo ahayd in uu samaynayo Doorasho hal Cod iyo Hal Qof.

Maanta Madaxwayanah Puntland oo ay u hartay mudo Sadexdano oo kale waxuu hor fadhiyaa Madaxwayne Farmaajo oo shaqadii umada Soomaaliyeed ay in mudaa ka filayeen ku dhacay diidayna xiligii uu xukunka haystay xataa in uu hal maalin la kulmo Madaxda DG.

Intaas waxaa dheer, DG ayaa marar badan baaq u diray MD Faramaajo si looga Xaajoodo Xaalada Amni iyo Tan Doorasho ee soo socota ee dalka.

Madaxwayne Farmaajo waxuu ugu abaal guday Aamusnaan iyo Xaqiraad.Hadaba waxaa is waydiin leh

DG maanta ma dhagaysan doonaan ninkii ay shalay ka dhaadhicin waayeen in uu kala shaqeeyo Amniga, Doorashooyinka, Dhaqaalaha iyo IWM?

Hornafricmedia.