Madaxwayne Farmaajo oo Wali Aan Wali Quusan..Daawo

Shirka uga socda Magaalada Dhuusamareeb Madaxda DG iyo DF ayaa waxuu ku dhamaan doonaa mid aan miro dhal ahayn. Madaxwayne Maxamed Abdulaahi Farmaajo ayaa doonaya in uu helo Mudo Korosi ah Labo sano si uu meesha uga saaro Ahmed Madoobe, khal khal Siyaasadeedna u galiyo deegaanada nabadaa.

Farmaajo oo aan ku guulaysan arinkaan markii hore ayaa moodaa in uu hada doonayo in waxii ka dhiman uu hada dhamaystiro hadii loogu daro waqtiga harsan.

Arinkaan ayaa waxaa fahansan Labada Madaxwayne oo  kala ah Madaxwaynaha Juballand iyo Madaxwayanaha Puntland, kuwaas oo aan ogolaan doonin in ay ka yeelan Farmaajo in uu ku darsado.

Run ahaantii xataa haday u ogolaadaan Madaxwayne Farmaajo Labo sano waxaa adag in uu ku gaarsiin karo waqtigaas umada Soomaaliyeed Hal Cod iyo Hal Qof.

Waxaan wali la dhisin Ciidan Qaran, waxaan wali meesha laga saarin Shabaab, waxaan la diiwan galin umada Soomaaliyeed deegaanada ay joogaan, waxaan lagu heshiin Nooca Doorashada dhacaysa, waxaan heshiis fiican ka dhaxayn DF iyo DG.

Arimahaan oo dhan ma aha kuwo DF ay ku dhamayn karto waqtiga harsan maadama ay horay u seexatay.

isku soo duub, Madaxwayne Farmaajo waxuu u egyahay mid aan quusan doonin kana tagi doona astaamo asaga u keena Cawaaqib xumo uu ka shalaayo.