Deeqda Turkiga ee Caafimaadka Ma Bakaarahaa Lagu Gadi Mise Waa La Qaybin?

Dawlada Turkiga ayaa Soomaaliya ugu deeqday Qalab Caafimaad oo looga hortago, laguna badbaadiyo dadka qaba Cudurka Caabuqa iyo kuwa raba in ay iska Xijaabaan Cudurka.

Waxaa hadaba is waydiin leh Dawlada Soomaaliya ma si fiican bay u qaybin  Qalabkaas mise Suuqa Bakaaraha kuwa lagu kala gato ayuu ka mid noqon?

Waxaa Caado u noqotay Madaxda Soomaaliya Xukunkeeda Hanata in ay ka fakiraan Jeebkooda ayagoo markasta ka hormariya Jeebkooda tan dad waynaha.

Dawlada Turkiga ayaa ayaduna il gaara ku haysa sida loo maaraynayo  Qalabkaan wanaagsan oo umada Soomaaliyeed ay ugu deeqday.

Hadaba waxaa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo aad uga walaacsan in Suuqa Bakaara lagu arko ayadoo lagu kala gadanayo halkaas oo Shabaab iyo Tuugtu waa wayni ay ku sugan yihiin.

Hornafricmedia

Contact us.Hornafricmedia@gmail.com