Maraykanka oo Sheegay in China Halista Cudurka ka Qariyay Caalamka..

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Jayna (China) uu Aduunka ka qariyay halista Xanuunka Coronaviruska meesha uu aduunka Jaynahu ka qaadanayay Qalabka Caafimaadka asna uu yaraynayay in uu iibiyo qalabkiisa Caafimaadka.

Dalal badan  ayaa Cadaadis waxay saareen dalka Jaynaha si loo ogaado meesha uu ka yimid Xanuunka Dilaagaa ee Coronavirus,

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Maraykanka Pompeo ayaa sheegay in “Madaxwaynaha dalka Maraykanku Trump  uu cadeeyay in Masuuliyadeeda  qaadidoonaan  kuwii ka dambeeyay Xanuunka Coronaviruska ayna samayn doonaan xili Maraykanka u wanaagsan”…

Mike Pompeo “President Trump is very clear, we’re gonna hold those responsible accountable and we’ll do so on a timeline that is our own,”

Hornafricmedia.

Contact.Hornafricmedia@gmail.com