Maxaa keenay in Aqalka Sare ee Soomaliya ka Horyimaado Waxa Trump ugu Yeeray Heshiiskii Qarniga?

Gollaha Aqalka Sare ee Soomaliya ayaa yeeshay kulan degdeg ah Maalintii Arbacada ahayd, oo ay Bishuna ahayd, 29-01-2020. Kal-Fadhigaan ayaa Sanatariska aqalka sare ee Soomaliya ku ansixiyeen Cod aqlibiyad ah oo ay uga hor-imaanayaan Heshiiskii Trump ugu yeeray Heshiiskii Qarniga.

Kulanka Aqalka Sare waxaa ka qayb galay Wasiiro ku jira Xukuumada DFS waxuuna ahaa kulankaas mid si deg deg ah Dawlada Fadaraalka Soomaaliya kusoo abaabushay lana doonayay in looga horyimmado heshiiska Qarniga, si xoogaa dhaqaalaa looga hello Ururka Jamacada Carabta kaas oo dhicidoona maalinta Sabtida oo ay bishuna tahay 31-01-2020.

Waxaa intaas dheeraa ayadoo lagu Casumay Aqalka Sare Safaaradaha ka jooga Dalalka Carabta magaalada Muqdisho, si ay u ogaadaan Mawqifka Aqalka Sare ayadoo Lagu jjeediyay Go’aanka Aqalka Sare Labada Luqadood oo kala ah Soomaali iyo Carabi. Arinkaan waxuu ahaa mid ka yimid dalalka Carbeed ee Hogaamiya Dawlada maanta Muqdisho ka talisa..

Ula-jeedada kale ee laga lahaa Codkaan looguna dhiibay Aqalka sare ayaa ahayd sidii Reer Galbeedku ugu arki lahaayeen Dawlad Goboleedyada Soomaaliya ka jira kuwo Caqabo ku ah Danaha Reer Galbeedka sidaas daraadeedna loo baahan yahay in Reer Galbeedku Taageero DFS si meesha looga saaro Aqalka Sare oo matala Dawlad Goboleedyada…

Dawlada Fadaraalka Soomaaliya oo Hanatay mar hore Labada Aqal ee Soomaaliya ka jira, ayaan hadana Maskaxda kasaarin sidii ay DFS isugu keeni lahayd Maamul Goboleedyada dalka ka jira Hal Gacan iyo Hal Magaalo oo ay iyadu ka Taliso.

Ha’yeeshee arinkaan ayaa DFS Soomaaliya u suurtoobi waayay markii ay iska Caabin Xoogleh kala kulantay Dawlad Goboleedyada Dalka ka jira sida Jubbaland, Puntland, iyo Gal-Mudug…

Hadaba, waxaa ayaandaro ah in Sheikh UMUL oo ah Wadaad Soomaaliyeed oo si wayn looga qadariyo loogana yaqaan Gayiga Soomaaliya uu ka Qudbayn waayay Magaalada Muqdisho oo ay DFS ka Taliso laakiin si dareere looga hello dalalka Carabta Qaarkood ay DFS ku dhiiratay Xil iska saarista meel u jirta 5,345,2 KM, meeshaas oo ay ku loo-lamayaan dalalka Khaliijku…

Waxaan shaki ku jirin in Madaxwaynaha dalka Maraykanku uu yahay Cunsuri aan dhaqso ku daahirayn kaas oon marna fulin karin wax heshiis ah oo ka dhaca Bariga dhexe laakiin waxaa ayaandaraa in DFS ku lug yeelato dalal is haya danahood ayadoo Gacana kuwo kaga qaadanaysa Dhaqaalle meesha ay Gacanta kalana si qaldan Reer Galbeed ugu Tusayso in Dawlad Goboleedyadu yahiin Mushkilo Xoog badan oo soo socota..

Qore..Abdirahmaan Cukur…

Daawo Labada Luqadood…