Madaxwaynaha Cusub ee Puntland oo Mowqifkiisa Somaliland iyo DFS soo Bandhigay..Daawo

Dhamaan jawaabihii maskaxdayda iyo maskaxda muwaadiniinta reer Puntland oo idil ka guuxayay ,ayuu ku jawaabay Madaxweyne Deni.Waxuu mid mid siday ahayd u taabtay qadiyadaha masiiriga ah ee Puntland.Somaliland muran dhuleed nagama dhaxeeyee dhulkayaga ayay kusoo xadgudbeen''ayuu yiri Madaxweyne Dani.Isagoo hadalka sii wata waxuu yiri''Mashruuca Somaliland wado khaldan buu ku socdaa waxaana filayaa in ay heli doonaan cid wax usheegta hadaysan helina wakhtigaa wax bari doona''.Dimuqraadiyada ayuu Madaxweynuhu taabtay,waxuuna sheegay in Sanadka ugu horeeya hogaamintiisa uu qaban doono doorashooyinka Dowlada hoose hadaan tabari udiidin.Dhanka golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo uu ka hadlay,ayuu ka yiri..''"Dastuurka ayaa dhigaya in Maamul Goboleedyada ay iskaashadaan wixii danahooda kadhaxeeya. In la iskaashadana ma ahan wax dastuurka kasoo horjeeda"Madaxweyne Deni waraysigisii ugu horeeyay waxaan oran karnaa waa naga gadmay.Jibril Qoobey

Posted by Jibril Heres on Wednesday, January 9, 2019