GORFAYN BUUG: Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed By Xuseen Cali Ducaale ‘Cawil’

 

Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed By Xuseen Cali Ducaale "Cawil"

Bogga kore ee buugga waxaa ku sawiran oday da’ ah kaas oo aad sawirkiisa ka qiyaasi karto in uu 70 gu’ kor u dhaaftay. Magaciisa in Xuseen la yiraahdo iyo in Cawil la yiraahdo laftiisa u ma kala cadda. Sida uu sheegtay, waxa uu ku dhashay Hargaysa 1942. Waxbarashadiisa waxa uu ku soo qaatay Yaman iyo UK. Markiisii hore waxa uu wax ka bartay ciidanimo, waxa uu se 1960y u wereegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Waxa uu ku dambeeyay jaajuusnimo isaga oo ku sii jiray taxa shaqaalaha Wasaaraddaas ilaa burburkii.
Dhimashadii Cigaal ka dib, waxa uu noqday Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin 2003 ilaa 2010.

Maxay ayuu buuggan u qoray?

Sida uu ku sheegay bog 2, waxa uu buugga u qoray, ‘Waa in aan madaxda mustaqbalka iyo jiilka berito [barrito] u iftiimiyo wixii dhacay wixii burburiyay ummaddii Soomaaliyeed, wixii loo soo maray halka aynu maanta taaganahay, iyo in aan baraarujiyo sidii ay uga hor tagi lahaayeen in ay mar kale soo noqdaan khaladaadkii hore u dhacay’.

Odaygu, ma ay ahayn in uu gabi ahaan ba wax qoro. Haddii dawlad xoog lehi inoo dhisnaan lahayd, sida aan is leeyahay, waxaa laga reebi lahaa in uu waligiis wax qoro gabi ahaan ba.

Isaga laftiisa ayaa igu raacsan oo isla buuggiisa bog 4 ku sheegay aragti aan sidaas tayda uga fogayn. Ku yeh, ‘Buugaagtii hore ee aan qoray waxaa dhibsaday dad badan oo aanu qaarkood saaxiib nahay, qaar qaraabo nahay, qaarna aanu horay u wada shaqaynay’.

Buuggu waa wada gaf. Waxaan se xoogga saari doonaa waxyaabaha uu ka yiri Gobanimadoonkii Soomaaliyeed ee 1960y, Midnimadii iyo Madaxdii dalka soo martay burburkii ka hor.

Buuggu xitaa gobanimadoonkaas waxa uu ka dhigay mid qabiillo ku salaysnaa. Sidaas darteed, waxa uu goostay marka uu ka hadlayo Soomaalida aan Isaaqa ahayn in uu qabiilladooda sheego oo yiraahdo Hawiye, Majeerteen iwm; beesha Isaaq na uu u bixiyo Somaliland. Markaas waxaan laga maarmayn in aanu isku shaati u galino oo qabiilladaas wada sheegsheegno.

Qodobka ugu xiisaha badan ee uu odaygu ku raftay waa Midnimadii Soomaaliyeed ee 1960. Marka hore qoraagu waddo ha u bixiyo meesha ay dhab ahaan aragtida Soomaaliweyn ka timid!

Bog 22 waxa uu inoogu sharxay halka ay dhab ahaan isaga la tahay in ay ka curatay aragtidu markeedii hore ba: ‘Soomaalidu asal ahaan waxay ahaayeen qabaa’il kala duwan oo isku barbar nool. Markii gumaystuhu yimid wuxuu ka dhigay dad qaran ah ama dawlad wada leh, taas oo markii dambena ay ka dhalatay firkaddii dhalanteedka ahayd ee Soomaaliweyn’.

Ha se ahaato ee waxa uu cabasho ka soo gudbiyay dawladdii Ingiriiska ee waayadaas oo ka walwalsan sida aanay Soomaalidu u dhadhansan aragtida Midnimada ee Soomaaliweyn. Inoo ma uu se sheegin halka uu warkan ka helay; ma buug mise joornaal iwm? Waa kan, ‘Dawladdii Ingiriiska waxaa ka yaabisay sida Soomaalidu aanay u aaminsanayn Soomaaliweyn’. Waa bog 27.

Isla boggaas ayuu qoraagu isla aragtidaas hore ku beeniyay isaga oo inoo sheegay in ay dawladaha reer Galbeedku oo uu ku jiro Ingiriisku ay ka soo hor jeedeen aragtidii Soomaaliweyn iyo midnimadii Umaddda Soomaaliyeed. Waxa uu ku leeyahay, ‘Dawladaha reer Galbeedku si aad ah ayay uga soo hor jeedeen damaca Soomaaliyeed ee Soomaaliweyn, iyaga oo aaminsanaa in ay xasilooni-darro ka buuri karto Geeska Afrika’.

Intaas kali ah ma ahan ee waxa uu inoo soo guuriyay taariikh aanu xusin buugga ama joornaalka uu iyana ka helay. Waa Wasiirkii Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo leh, ‘Dawladda Somaliland ka dhalatay ee uu Ra’iisal-Wasaare ka yahay Maxamed Ibraahim Cigaal waxaanu ku la talinay in aanay israaca Soomaaliya ku degdegin …’.

Waxa uu sidaas oo kale isaga laftirkiisu isaga soo horjeeda sida ay Somaliland midnimada ku qaadatay. Ma shacabkaa rabay? Ma xisbigii SNL? Ma MXI Cigaal? Ma siyaasiyiin kale?

Waxa uu ina siinayaa afkaar wareersan oo iyadu lid toos ah isku ah taas oo aan la doodid kale inooga baahnayn.

Bog 28 ha inoogu sheego in ‘Shirweynihii xisbiga SNL ee Janaury 1960 lagu go’aamiyay in haddii xisbigu ku guulaysto doorashada soo socota ay Somaliland la midoobi doonto Soomaaliya’.

Bogga 30 waxa uu ku sheegay in ay siyaasiyiinta Somaliland aad u la dhacsanaayeen aragtida midnimada. Isagu waxa uu u arkaa midnimadii khalad iyo khiyaano qaran se siyaasiyiintii Somaliland ee barigaas ayuu leeyahay, ‘Tallaabo sax ah ma ay qaadin waayo waxa wadday qiiro Soomaaliweyn’.

Cigaal isagu sidee u arkayay midnimada Soomaaliyeed? Qoraagu waxa uu bogga 30 inoogu sheegayaa, ‘Ra’iisal-Wasaare Cigaal ma uu oggolayn is-raaca laakiin waxaa maquuniyay xisbigiisii’.

Ilawsho dhawaa? Isla qoraaga ayaa isla buuggiisan bogga 2 isla Cigaal ku ammaanay in uu isagu midnimadii Soomaaliyeed ka dambeeyay. Ku yeh, ‘Maxamed Ibraahim Cigaal oo ahaa shakhsigii unkay is-raacii labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya 1-dii July 1960-kii…’.

Markaas Cigaal waa nin Midnimada aaminsanaa ama waa nin ku shaqeeyay oo hormariyay wax aanu aaminsanayn. Kee bay labada tahay?

Markaas, in kaste oo aragtiyuhu is diiddanyihiin, hadda na aynu u dayno in xisbiigii guulaystay ee SNL, siyaasiyiintii kale ee Somaliland iyo Cigaal ba la dhacsanaayeen midnimada.

Waxaa inoo soo haray shacabka. Qoraagu bog 33 waxa uu ku leeyahay, ‘… dadka reer Somaliland oo si kal iyo laab ah u huray xorriyaddoodii una sadqeeyay sidii loo heli lahaa Soomaaliweyn waxay u arkayeen in Somaliland iyo Soomaaliya oo la mideeyaa noqon doonto tallaabada koowaad ee isu keenaysa shantii Soomaaliyeed …’.

Hadda ba, yaan oggolayn midnimada? Ma jinni?

Aragida labaad ee ugu foosha xun ee uu qoraagu la noolyahay waa midda uu ka haysto madaxweynehii ugu horreeyay ee umadda Soomaaliyeed Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan ‘Aaden-Cadde’. Qoraagu waxa uu Aaden-Cadde ka yiri, ‘Marka la qoro taariikhda Soomaalida, Aadan Cabdulle Cismaan ayaa noqonaya qofkii Soomaaliya sidaa u galay ee burburiyey, maahan Maxamed Siyaad Barre [MA AHAN MS Barre] sida ay dadka qaar u arkaan. MASUULIYADDA wixii DHIMASHO iyo BURBUR ka dhacay Soomaaliya waxay garbihiisa fuulaysaa Aadan-Cadde. Ayaan-darro, Aadan Cabdulle Cismaan oo ahaa Madaxweynihii Soomaalida ee wakhtigii midowga muu ahayn hoggaamiye aragti fog mana uu ahayn nin waddiniyadda iyo Soomaaliweyn qiimo u leedahay’!!!

Qoraagu, colaad gaar ah oo gun dheer ayuu u hayaa reerka Madaxweyne Aadan Cabdulle ka dhashay ee Hawiye. Waxa uu buuggiisa bog 255 ku yiri sidan: ‘Hawiye wuxuu furfurtay warshaddii Sonkorta ee Mareerey. Wuxuu kaloo furfurtay wixii warshado Soomaali lahayd. Waxay kaloo bililiqaysteen wixii hanti Soomaalidu ku lahayd Muqdisho’.

Isla qoraagu waxa uu isu arkaa in uu yahay badbaadiyaha taariikhda soojireenka ah ee beesha Hawiye. Waxa uu inoo hayaa taariikh ay rumaynteedu maanta ku adag tahay xitaa dadka indhaha la’ ee aan wax ba akhriyin taas oo uu malahayga ka yaabay in ay ka dhunto dhallinta Hawiye. Waxa uu ina leeyahay: waxaa jiri jirtay waa ay beel Soomaaliyeed oo kale gumaysan jirtay beesha Hawiye. Haba gumaysatee yaa ka xoreeyey ma taqaan? Waxa uu ina barayaa in waagaas uu jiri jiray boqor Ina Igarre la yiraahdo kaas oo ciidankiisu ammaanka Geeska Afrika ilaalin jireen! Ciidankiisu waxay u ku hubaysnaayeen qoryaha darandoorriga u dhaca, maraakiib dagaal iyo xitaa isgaarsiin! Boqorkaas ayaa 10,000 (toban kun) oo qori iyo markab dagaal u soo diray beesha Hawiye.

Intaas kali ah ma ahan ee waxa uu u ballanqaaday in uu dagaalka soo gali doono haddii laga awood roonaado! Ugu dambayntii na, Hawiyow, waxaa idin xoreeyey boqor reer Sheekh Isaxaaq ahaa kaas oo laga yaabo in uu dhawaan dhalan doono. Arrintaas ha iloobina; yaanayna idinka dhumin na waxa ay ku kaydsantahay bogagga 79 ilaa 89 e!

Aniga laftayda ayuu aqoon cusub ii sheegay maxaa yeelay mahadhada kali ah ee aan Muuse Faarax Igarre ka hayay waxa ay tahay oraahda caanka noqotay ee ah ‘Iska hadlow Ina Igarre’. Waxaan se qoraaga oo wali nool marti dhammaanteen uga nahay in uu inoo sheego meesha ay ku dambeeyeen warshadihii hubka iyo maraakiibta samayn jiray ee beeshiisu waagaas lahayd!!!

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre isaga muxuu ka aaminsan yahay oo uu qoraagu doonayaa in uu jiilasha reer Somaliland ee dhalan doona u gudbiyo taariikh ahaan?

Aan ku yar bootiyo oo ku geeyo bog 101. Qoraagu ha ina yiraahdo, ‘Jeneraal Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa nin caqli badan oo sabir badan, tallaabooyinka uu qaadayana aanay wax degdeg ahi ka muuqan. Wuxuu ahaa nin cod kar ah oo yaqaan sida dadka loo soo jiito …’!!! Mar kale, bog 141, ‘[MS Barre] waxaa lagu tilmaami karaa in uu ahaa shakhsi deggan, adkaysi badan, meel fogna wax ka eega’. Mar kale, ‘Maxamed Siyaad Barre waxuu ahaa Shakhsi caqli badan oo mufakir ah’ bog 310. Iyo markan; waa bogga 156, ‘Maxamed Siyaad Barre waxaa lagu xasuusan doonaa horumar dhinacyo badan ah oo dalka gaadhsiiyay … sida Madaxweynayaashii cuslaa ee Afrika soo maray ee ay ka mid ahaayeen Jamaal Cabdinaasir iyo Kwame Nkrumah’.

Sida taariikhyahano badani ku doodaan, armuu MS Barre musuqmaasuq ahaa? Maya, arrintaas na shaqo ku ma uu lahayn! Qoraagu bog 163 ha inoogu sharraxo habdhaqankii Madaxweynaha marka ay timaaddo lacagta iyo hantida.

Danjirehii inoo fadhiyay 1976 Abu Dubai kaas oo la oran jiray Cabdinuur ayaa uga sheekeeyey hufnaanta Madaxweynaha boqorkii Imaaraadka waagaas kaas oo isna la oran jiray Sayid Bin Nahyaan. Boqorku waxa uu la yaabay hanti yaraantiisa iyo daacadnimadiisa Madaxweynaha. Waxa uu markaas MS Barre si shakhsi ah u siiyay oo ugu soo dhiibay $5,000,000 si bal uu ugu yaraan carruurtiisa guri ugu dhisto. MS Barre na Wasaaraddii Maaliyadda ayuu ku wareejiyay lacagtii isaga oo eber kala haray.

Ma ahan in aan anigu ka soo horjeedo wanaag uu lahaa MS Barre, waxaa se isu kay qaban la’ in qoraagu Isaaq yahay, in Somaliland MS Barre ka sheeganayso, iyo in buuggani uu ku dhawyahay in Manaahijta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland marjac looga dhigo maadaama Hargaysa lagu soo daabacay uu na ma ka mid yahay kuwa loogu iibsiga badan yahay.

Waa hagaage, 1969 waxaynu joognaa iyada oo nin reer Somaliland [Isaaq] ahi Raysalwasaare yahay. Waxaa afgambiyay nin reer Soomaaliyada Koonfureed ahaa [Daarood]. Hadda ba, yaa ka caawiyay afgambigaas? Ma reer Koonfur kale?

Maya, reer Somaliland [Isaaq] oo aan la tarrixin. Yaa sidaa qaba? Qoraaga! Waa kan, ‘[MS Barrre] markii uu afgambiga damacsanaa waxa uu xushay saraakiil Reer-Waqooyi ah maadaama aanu inta badan ku kalsoonayn saraakiisha reer Koonfureed’.

Waa eed awal horay meel u weyday oo badanaa Isaaqu Daaroodka saari jireen.

Qoraagu ha inoo faahfaahiyo waxa ku dhacay saraakiishii reer Puntland ee waagaas. Xuseen waxa uu bog 104 ku leeyahay, ‘Dad badan ayaa ku dooda in go’aankii uu Maxamed Ibraahim Cigaal taliyanimadii ciidan booliska kaga qaaday Jeneraal Maxamed Abshir ay Siyaad Barre u fududaysay in inqilaabku qabsoomo’. Waa aan ku raacsanahay.

Markaas taliyehii booliska sidaas buu qoraagu ku qirsan yahay in uu Cigaal cunay. Goor Cabdulaahi Yuusuf ka soo digay MS Barre na Cigaal ayaa u fududeeyay in uu tallaabo ka qaado oo meel kale u baddalo isaga oo bogga 106 ku soo xigtay Cigaal oo leh ‘tallaabo degdeg ah ka qaad, ciddii ku soo faro-gelisana aniga ii dhaaf’.

Bog 109 na, qoraagu waxa uu ku leeyahay ‘Madaxda Cigaal digniinta siisay waxaa ka mid ahaa … Kornayl Faarax Sugulle taliyihii ciidanka sirdoonka ee booliska. Su’aashu waxaa weeyi maxaa iska hor taagay in Cigaal iyo dawladdiisu tallaabo qaadaan?’. Isla qoraagu ha inoogu jawaabo. ‘Sababta ugu weyni waxay ahayd iyada oo ay saraakiishii Reer-Waqooyiga [Isaaqa] ahaa hoosaasiyeen Cigaal’.

Sida Xuseen meelo badan oo buuggiisa ka mid ah ku sheegay, MS Barre waxa uu u ahaa jaajuus gacan midig ah. Taas baddalkeeda, MS Barre warkiisa waa uu dhagaysan jiray ma na diidi jirin. Waxa la yaabka weyn lihi waxaa weeye, waxaas oo aan wali la daah furin, sababta aanu ina adeerkiis Cigaal oo 12 sano u xirnaa MS Barre hal mar na uga codsan in uu siidaayo! Kaaga darane, ka ma uu xumayn xariggii iyo dhibihii kale ee dadka beeshiisa ka soo jeeda Kacaanku ku hayay sida Cigaal oo kale. Bog 237 ha inoogu caddeeyo in aanu MS Barre wax ka diidi jirin Xuseen isaga oo leh, ‘Siyaad Barre waxaan ku aqaanay shakhsi marka aad arrin maan-gal ah u la tagto markiiba aqbala’. Markaas maangal ma ahayn miyaa in Cigaaal iyo siyaasiyiintii kale ee beeshaas ka xirnaa la sii daayo?

Cigaal muxuu ka aaminsanyahay? Haddii aynu soo koobno, Xuseen bog 108/9 waxa uu inaku siinayaa caddaynta tuhun taariikhyahano Soomaaliyeed oo badani qabeen kaas oo ahaa in musuqmaasuqii ugu weynaa ee abid taakhiirdeena gala kaas oo dhacay doorashadii 1969, Cod Khasaaro, uu Cigaal maamulay. Wali ba in uu kali ku ahaa oo uu isagu shaatiga u la baxay. Waa kan, ‘Waxaan xasuustaa bishii March 1969-kii ayuu Cigaal amar ku siiyay labada taliye ee milatariga iyo booliska in ay ciidamadu taageeraan xisbiga SYL. Taliyihii booliska Maxamed Abshir wuxuu ugu jawaabay Cigaal in uu CIIDANKA BOOLISKU DHEX U YAHAY DOORASHADA, xisbina aanu taageero siin doonin, … sababtii Maxamed Abshir xilka looga qaadayna waxay ahayd diidmada qayaxan ee uu kala horyimid …’.

Weydiin baa se oranaysa: maxay ayay MS Barre iyo Xuseen dhammaadkii xiriirkooda isku qabteen? ‘Waxaan ku kala tagnay dagaalkii uu Itoobiya ku qaaday oo aan ka soo horjeeday’! Waa bog 155. Yaabka kaas ka badani se waxaa weeye in uu Xuseen ku ammaanay MS Barre sababta uu dagaalka ugu qaaday Itoobiya oo ku sheegay bog 265 ‘Siyaad Barre markii lagu duulayey Itoobiya wuxuu daba joogay himaladii Soomaaliweyn’!!

Aragtida kowaad ee ugu foosha xun ee uu qoraagu la nool yahay waa aragtida uu ka qabo ku na soo shaqeeyay taas oo uu hagardaamo weyn na ugu gaystay gobonimo doonkii Soomaaliyeed ee NFD iyo SG (Soomaali Galbeed).

Xuseen ilaa yaraantiisii waxa uu ahaa dhal Itoobiyaan soo barbaarsaday. Intii uu Soomaaliya ka dhex shaqaynayay waxa uu dhibaateeyay ururradii gobonimadoonka ahaa ee Keenya iyo Itoobiya ka dagaallamayay. Sidaas oo kale, waxa uu ka qaybqaatay in ay Somaliland Itoobiya gacanteeda gasho dhimashadii Cigaal ka dib.

Aan tusaalayaal keeno. Waxa uu buuggiisan bog 395 kaga sheekeeyey sida ay jawaajiista Itoobiyaanka yaraantiisii ba isaga oo aan 20 sano gaarin isu la jaanqaadeen. Waxa uu yiri, ‘Waxaan xasuustaa, 1959-kii ayaa waxa casuumad u soo diray ardayda ka soo jeeda Somaliland safiirkii boqortooyada Itoobiya u fadhiyay London Dr. Abraham oo mar dambe noqday wasiirka waxbarashada Itoobiya. Wuxuu naga codsaday in aanu la kulano … Wuxuu noo kireeyey qol lagu shiro oo ku yaalla Jaamacadda London’.

Bog 100 na mar uu uga hadlay qaddiyadda NFD waxa uu shaki galiyay jiritaanka in dhulkaas Soomaaliyi leedahay: ‘… arrinta muranka culusi ka taaganyahay ee ah dhulka Soomaalidu SHEEGANAYSO ee NFD …’.

Bog 186 waxa uu Xuseen ku samaynayaa oo diiwaanka galinayaa taariikh khatar ah taas oo aan wali dhicin. Waxa uu ubadkeena barayaa in dhulka maanta ay ka dhisan tahay dawladgoboleedka Jubbaland uu dhab ahaan yahay dhul Keenya leedahay kaas oo laga dhacay ayna tahay in ay Keenya la laabato. Aan kuu soo gaabsho ee bal ila eeg, ‘Kismaanyo waxay wakhtigaas ka tirsanayd dalka Keenya’!!!

Intaas kali ah ma ahan ee si qarracan leh ayuu cutub dhan oo buuggiisa ka mid ah cinwaan uga dhigay ‘Baasabooro [Baasaboorro] aan siiyey Soomaali u DHALATAY Kenya’!

Keenya ma Soomaali ayay haysataa mise Soomaali baa u dhalatay?

Bogagga 355 ilaa 354 waxa uu u ku faahfaahiyay shaqo uu siyaasiyiinta Somaliland Meles u xilsaartay. Waxa uu xusay isaga, Cabdi-Wareebe iyo Daahir Riyaale. Goortii shaqada loo dirayay waxa uu ka yiri, ‘Waxaan xasuustaa sida uu u farxay Ra’iisal-Wasaare Meles markii uu nagu arkay qolkii shirka’. Warka oo dheer si aan u soo gaabiyo, ‘ONLF waxay caqabad ku tahay nabaddooda iyo horumarkooda [reer SG] … Maxamedow … geesinimo u yeelo in aad kala dirtid ama aad adigu isaga baxdid ONLF …’. Waa talooyinkii uu Cabdi-Wareebe u jeediyey Admiral Maxamed Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha ONLF.

Qoraagu aqoon aasaasi ah u ma lahan xeerarka qoraalka walaw uu da’ weyn yahay. Xitaa qof fasalka siddeedaad gaarayi khaladaadkiisa qaarkood ma galeen haddii uu qoraal maago.

Bal eeg bog 272 oo sidan leh, ‘Kornayl Maxamed Xasan ‘Cirro’ iyo Kornayl Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa 1978 isla gartay in ay inqilaab xilka kaga tuuraan Maxamed Siyaad Barre …’

Bal waa kuma Kornayl Maxamed Xasan ‘Cirro’ sarkaalka la oran jiray kaas oo taariikhda ina soo maray? Miyay dhici kartaa in buug qof darajadaas gaarayi qoray oo aan xitaa dib loo eegin la iska daabacay iyada oo qof darajadaas sare gaaray sida Kolanayl Maxamuud Sheekh Cismaan Axmed-Cigan, lagu se naynaasi jiray ‘Cirro’, oo kale gabi ahaan ba labadiisii magac ee hore ba la khalday?

Fadlan faafiya si ay Xuseen Cali Ducaale ‘Cawil’ farrintu u gaarto.

 Qoraa Sare:  Cabdirisaaq Baraag

W/Q Cabdirisaaq Baraag