(Daawo Ama Dhegayso:) Laascaanood Iyo Tukaraq oo Xabad iyo Madaafiic Saaka Looga Ciiday!

Xalay, Fiidnimadii, ayaa Ilaalada Guddoomiyihii cusbaa, ee Jeegaantu u soo magacowday Gobolka Sool, waxa ay rasaas aan loo aabo-dayin ku fureen dhalinyaro ku caweynaysay Makhaayad ku taalla Laascaanood.  Rasaastaas oo ay ku dhinteen Labo Dhalinyaro ah, islamarkaasna ay ku dhaawacmeen Toddoba kale, ayaa wax aad uga carooday Shacabkii Laascaanood, oo halkii ay ka aadi lahaayeen Salaadda Ciidda isugu soo baxay Cisbitaalka Magaalada Laascaanood, oo Maydkii iyo Dhaawicii la geeyay.

Sidaas oo kale, Falkan Gurracan ayaa waxa ka dhiidhiyay Maleeshiyo-Beeleed ka soo jeedday Gobolka Sool, oo ka feer-dagaalamaysay Maleeshiyaadka Jeegaanta; kuwaas oo, si dhuumasho ah, Saaka Aroortii, isaga soo baxay Aagga Tukaraq, oo ay Jeegaantu gabbaad uga dhiganayeen Howlgalka Duufaanka Buluugga ee Ciidamada Puntland, oo iyagu u diyaar-garoobay Xoraynta dhamaanba Deegaanada SSC ee Puntland; taas ayaa waxa ay keentay in Maleeshiyaadkii Dhuuni-raaca ahaa iyo Maleeshiyaadkii Isaaqa, ee ay u dagaalamayeen, ay isku dhacaan; halkaasna ay isku dhaafasadaan Madaafiic iyo rasaas kale, oo keenay dhimasho, dhaawac iyo khasaare kale oo maaliyadeed.

Halkaan Hoose ka dhegayso Tafaasiisha: