Fiqi Bahdi Kama Janno Tego’e, Abby Ahmad, oo Oramadii Ku Soo Hoggaamiyay Jigjiga Iyo Shacabkii Soomaaliyeed ee Ogaadeenya Oo Iska Difaacay!

Abby Ahmad, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, oo Beryahaan ka waday Isbeddel Mandiqadda Geeska Afrika, ayaa la soo baxay Midabkiisii Runta ahaa, kadib markii uu qalalaase ka abuuray Jigjiga, isaga oo Oramada uga hiilinaya Dowlad Deegaanka Somaalida.

Waxa xusid mudan in Jigjiga ahayd Magaalooyinka samaynaysay Horumarka ugu weyn, ee ka dhacay Africa, 20-kii Sano ee u danbeeyay!

Waxa kale oo xusid mudan, in Shacabka Ogaadeenya ay iska caabiyeen Duulllaanka Oramada, oo doorkaan soo gashaday Dareyska Ciidamada Federaalka ee Itoobiya.

Soomaalidu waa Dir iyo Daarood’e, uma malaynayo in Dirtu ama Hawiye, ama Raxanweyn, ama Samaroon, amaba Isaaq, ha ahaadeene, ay Ogaadeenya ugu hiilinayaan Soomaalinimo.  Haddaba Daaroodku, waa iyaga waxa loo kala qaybiyay Shanta Soomaaliyeed’e, ha tashadaan.

Halkaan Hoose ka daawo Shacabka Reer Jigjga, oo ku qalaadaya: “Soomaalieey toosoo; Toosoo isku tiirsada’ee …. !”