Madaxwaynihii hore ee Khaatumo Indhosheel oo Soo Bandhigay Xaqaa’iq Badan oo ku Saabsan Qaraxii Buuhoodle

Madaxwaynihii hore ee Khaatumo. Mudane Maxamad Yuusuf Jaamac (Indhosheel), oo lagu waraystay Madasha 60-ka, ayaa Maamulka SNM ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen Falkii Argagixisnimo ee uu Nafti-Haliguhu ku galaaftay Mas’uuliyiin ku sugnaa Magaalo-Madaxda Buuhoodle ee Gobolka Cayn.
Marxuumiinta Weerarkan Argagixso lagu dilay ayaa waxa ay kala ahaayeen:
- Cabdifataax Maxamad Cali (Rotman), oo soo noqday Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Ra’isal Wasaarihii Hore ee JFS, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
- Axmed Maxamuud Doolaal, oo ahaan jiray Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha ee Khaatumo.
- Col. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmad Nuur (Afweyne) oo kamid ahaa Saraakiishii SSC .
Halkaan Hoose ka dhagayso Waraysiga.


