Xitaa Mucaaradka Dowladda Puntland Ayaa Ra’iisul-Wasaare Khayre ku Dhaleeceeyay In Uu Ka Baaqday Dhagaxdhigidda Dekedda Garacad!

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in Kheyre uu Puntland u quuri waayo qaaddo shamiito ah, isaga oo ula jeeday in uu Kheyre iska diiday Dhagax-dhiggii Dekadda Garacad ee lagu sharfay.

Shacabka iyo Dowladda Puntland ayaa aad u qorsheeyay in Ra’iisulWasaare Kheyre uu Dhagax-dhigi doono Dekedda Garacad, oo Puntland ay in muddo ah la sugayeen Dhagax-dhiggeeda Dowladda JFS, si ay maqaam uga helaan Dowladdii Federaalka ee ay iyagu soo dhisteen.

Waxa xusid mudan in Dhismaha Dekadda Garacad, ay ku timid Isku-Tashiga Shacabka iyo Dowladda Puntland Boqolaal Mashaariic oo ka hirgalay Puntland, oo aysan waxba Dowladda JFS ku sheegan XAGAL-DAACIN mooyee!

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisulwasaaraha iyo Madaxweynaha, oo aan wax u hanbayn sidii Puntland ugu listay, ayaa ku marmarsiinyooday in: “Dhismaha Dekedda Garacad ay Reer Galmudug u arkaan mid looga soo horjeedo dadaalka ay ugu jiraan Dhismaha Dekadda Hobyo.”

Wasiir Juxa oo hadalkiisa, oo ka tarjumayay dareenka Mucaaradka iyo Mu’ayidka Puntland, oo soo dhigay Bartiisa Facebook-ga ayaa u qornaa sidatan: