Seeftii Khayre oo Mooggaanna la Tegtay Wasiirkiisii Waxbarashada

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya (JFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta, oo Taariikhdu tahay 26 june 2018, waxa uu Xilkii uga qaaday Wasiirkii Wasaaaradda Waxbarashada ee JFS, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, oo ka soo jeeda Beesha Xawaadle.  Waxa uu Xilkaas Khayre si ku-meel-gaar ah ugu magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdille Jaabir, oo ka soo jeeda Beesha Awrtable. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu Sii-Haynta Xilkaan dhaafiyay Wasiir-ku-Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed, oo ka soo jeeda Beesha Samaroon; kaas oo Xaq Dastuuri ah u lahaa.

Wasiirka Waxbarashada, ee Xawaadle, waxa uu eersaday, oo uu Xilkiisa ku waayay Labo Qodob:

  1. Kow, iyada oo Wasiirrada Waxbarashada Dowlad-Goboleedyada, oo ku shirayay Garowe, ay Xiriirka Wada-Shaqaynta u jareen Wasaaradda Waxbarashada ee JFS; iyaga oo ku eedeeyay in uusan kala tashan Go’aanno uu iskiis u qaatay.
  2. Labo, isaga oo Jaamacadaha Soomaaliya oo dhan ku tilmaamay in aysan istaahilin in loo aqoonsado Jaamacado Caalami ah.

Wasiir-ku-Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, ee Gudobiirsi, waxa aan loogu magacaabin Xilkii Sii-Haynta, ee uu Xaqa u lahaa, Labo Arrimood Aawadood:

  1. Kow, iyada oo Beesha Wasiir-ku-Xigeenku, ay hadda ka hor ku qancisay in uu Xilkaas iska casilo Xaalad aan Jifadiisu gayin, oo ay xaq u lahaayeen Xilka Wasiirnimada; iyo isaga oo ka labalabceeyay Go’aankii Beeshiisa, oo markii danbe iska iimaansaday Xilkiisa Wasiir-ku-Xigeenimo!.
  2. Labo, isaga oo aan marnaba go’aan ka qaadan Khaladaadka Wasiirka Xawaadle, ee hadda Seefta Khayre qur-goysay.

Wasiiru-Dowlaha Waxbarashada, ee Awrtable, waxa uu isna Xilka Sii-Haynta ku mutaystaay Labo Arrimood:

  1. Kow, in uu waafaqay Go’aankii Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada ee 5-ta Dowlad-Goboleed; kuwaas oo ku shiray Garowe.
  2. Labo, in Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo fool leh Garowe, uu Shacabka Puntland uga raadsado Credit; calaashaan Wasiirkii aad KALSOONIDA  kala noqoteen, xilkii ayaa aan ka qaadnay.

Ra’iisul-Wasaare Khayre, waxa uu is moogaysiinayaa lABO Arrimood:

  1. Kow, in Shacabka Soomaaliyeed ka dheregsan yihiin Qaabka uu u mililanayo Boogta Umadda Soomaaliyeed ee Qabyaaladda ku salaysan 4.5-ka.
  2. Labo, in Shacabka Puntland ka horreeyaan, oo ka dheregsan yihiin in Booqashadiisu ay salka ku hayso: “in uu Reer Puntland u hodo Reer Xididkiis, SNM!”

Waxa aan Qormo kale, goor dhow, Insha Allah, ku xusi doonnaa: QODDOBADA SADDEXAAD EE QODOBBADA KORE EE AAN LABO-LABAYNAY.  Inta ka horreysa, waxa aad nala sii daawataa Wasiir-ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, oo si qayaxan u qeexaya qaabkii uu Ra’iisul-Wasaare Kheyre Shaqada uga cayrshay Wasiirkiisii Wasaradda Waxbarashada:

Xilka ka qaadista wasiirka ayaa loo sababaynayaa xili uu dhawaan sheegay in aysan wasaaradiisu aqoonsanayn dhamaan jaamacada ku yaala dalka oo ay ka mid tahay jaamacada ummada soomaaliyeed, hadalka wasiirka ayaa aad loogu hadal hayay baraha bulshada iyo warbaahinta soomaalida.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaan weli ka hadal sababta xilka ka qaadistiisa keentay iyo in lagu soo wargeliyay, Raisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horay xilalka uga qaaday xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyagoo sheegay in aan lagu wargelin balse ay ka maqleen xilka qaaadistooda warbaahinta.