Dagaalkii Tukaraq oo Saameeyay Xamar Iyo Siddeed-iyo-Toban Askari oo Reer Sool Ah oo Lagu Xirxiray Xamar!!!

18 Askari, oo Dhulbahante ah, oo ka mid ahaa Guutada 14-ka October, ayaa, si Haybsooc ah, waxa ay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka-Sida ugu xukuntay min Shan Sano oo Xarig ah.  Dhalinyaradaas, oo ka dhiidhiyay Qaraxii 14-kii October ee Isgoyska Zoobe, ayaa, iyaga oo ka jawaabaya Baaqii Madaxwaynaha JFS, Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, waxa ay ku biireen Guutada 14-ka October, oo loo aas-aasay Musibadaas awgeed.

Halkaan Hoose ka dhegayso, mid ka mid ah Dhalinyaradaas Soomaaliyeed, ee “Ha la rooro run mooday” oo ka warramaya sida Xamar loogu dulmay Ciidamada ka soo jeeda Gobollada SSC ee Puntland:

Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyada Askarta Xukunka lagu riday:

  1. Xuseen Baashi Cawad Canshuur,
  2. CabdiWali Ibraahim Maxamad Xasan,
  3. Sharmarke Cabdi Maxamad Nuur,
  4. Ismaaciil Saciid Muuse Xiir,
  5. CabdiWali Faarax Ismaaciil Maxamuud,
  6. CabdiShakuur Maxamad Xirsi Cali,
  7. Fatxi Aadan Cali Yuusuf,
  8. Jaaamac Cabdullaahi Maxamuud Cige,
  9. Cabdi-kaafi Maxamad Diiriye Farweyne,
  10. Maxamad Axmed Dhalac Cabdi,
  11. Cabdi-nuur Cabdullaahi Maxamed Cabdi,
  12. CabdiRaxmaan Xirsi CabdiRaxmaan Ciise,
  13. Daahir Maxamuud Gurxan Cali,
  14. Axmad Jaamac Siid Cali,
  15. Cabdi Xasan Maxamuud Jaamac,
  16. Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi,
  17. Cali Maxamad Abyan Cilmi, iyo
  18. Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.

 

Dhallinyaradaan yaa soo luggooyay oo ku hoday in ay noqonayaan Ciidamo Qaran, oo u loogay Ciidamo Beeleedyada USC iyo SNM???  Hint: Taliyaha Dhalinyaradaan soo xirxirtay, Waa Sarkaal ka soo jeeda Jeegaanta, oo ay maalgeliso Dahab-Shiil!