Prof. Gaas: “Haddii Aad Aragto Labo Dhaxal Isku Diriraysa, Maxaad Isku Tihiin Lama Yiraahdo?”

Madaxweynaha Puntland, Prof. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, oo ka jawaabayay Su’aal khusaysay khilaafka soo noqnoqda ee mar walba ka dhex aloosma Dowladda Jamhuuriyadda Fadaraalka ee Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah, ayaa waxa uu uga jawaabay, sidatan:

In khilaafka, mar walba soo laab-laabta, ay sababtiisu tahay, iyada oo Madaxda JFS iyo kuwa Dowlad-Goboleedyadu ay Siyaasad Weyn ka dhexayso; haddii aan wax ka dhexayn, inleen la ismaba qabteene.  Waxa uu Madaxweynuhu ugu soo hal-qabtay Oraahdii lahayd: “Haddii aad aragto Labo Dhaxal isku diriraysa, maxaad isku tihiin lama yiraahdo?”  Waayo, waxa la isku hayaaba haddii ay yihiin DHAXAL, waad iska fahmaysa in ay wada yihiin Hal Qoys, oo isku haya Xoolihii ay ka wada dhaxleen Halka Waarid ee ka wada dhigay Halka Qoys!

Hase yeeshee, waxa uu Madaxweyne Gaas ka digay in khilaafku uusan noqon caqabad; balse uu noqdo mid la isaga garaabo, oo aakhirka wax dhisa.

Iyada oo cod ah, halkaan ka dhegayso: