(Daawo:) Madaxweyne Gaas oo U Duulay Belgium; Shacabka Puntlandna U Rajeeyay In Uu Maalmo Kooban ku soo Noqon Doono Puntland oo Nabad Ah!

Pro. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland, oo ay ka muuqato kalsooni buuxda, ayaa waxaa uu Maanta u dhoofay Belgium, oo uu ka dhici doono Shir looga tashanayo Aayaha iyo Amaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland, ayaa Shacabka Puntland ugu qalbi-qaboojiyay in uu ku soo noqon doono, Afar Maalmood Gudahood, Puntland, oo NABAD Ah.  Hadalkaas, oo aan Nacas iyo Nacab loo fasirayn, ayaa Shacabka Puntland ku soo wada sagootiyeen:  “Soo noqo adoo Nabad Ah!”  Hadalkaas ayaa loo wada fasirtay Puntlanad oo laga dhex sifayn doono Jeegaanta iyo Shabaabka ku soo duulay Ciidda Puntland!