Guddoomiyaasha Gobollada Nugaal iyo Sool ee Puntland oo Xalay Saqdii Dhexe ku soo Doweeyay Taliyhii booliska ee Jeegaanta Ugu Magacownaa Gobolka Sool!

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Guddoomiyaha Gobolka Sool oo soo Dhoweeyay Gaadiidkii Laga Soo Furtatay Jeegaanta

Deegaanka Hol-Hol ee Gobalka Sool, oo xagga Waqooyiga ka xigta Tukaraq, ilaa iyo 65 km,  ayaa Xalay Saqdii Dhexe, waxa soo gaaray Darawalkii iyo Gaarigii Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobalka Sool ugu magacownaa Jeegaanta, Gaashanle Sare Cabdirisaaq, oo ay Shalay Xilka ka qaadeen; kadib, markii uu fulin waayay Awaamiir lagu caburinayay Shacabka Laascaanood.

Guddoomiyayaasha Gobollada Nugaal iyo Sool ee Puntland, oo ka soo kicitamay Caasimadda Puntland, ee Garoowe, ayaa soo gaaray Hol-Hol, oo Masaafo ahaan u jirta, ilaa iyo 160 km, oo xagga Waqooyi-Galbeed ka xigta; iyaga oo ku soo dhaweeyay Darawalkii iyo Ciidamadii Ilaalada u ahaa Taliyaha;

Labada Guddoomiye ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada la soo goostay Gaadiidkaan ay ka dhigan yihiin Muwaadiniin Xaqooda Jihaadnimo gutay.

Faahfaahin dheeraad ah nagala soco, daquuqadaha soo socda: