(Daawo:) Guddoomiyaha Gobolka Karkaar oo Beeniyay Qoraalkii Naflacaariga Ahaa, ee ka Soo Fulay Mucaaradka Jiritaanka Puntland; Kaas oo, Mar Kale, Loo Soo Kiraystay Website-ka Garoweonline, oo ay Mulkiilkiilaha ka Yihiin Ilmo-Faroole

Wax la cayrsho “Been baa u gaabiso’e”, Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Mudane Cabdullaahi Maxamad Barre (Caato), oo Shir-Jara’aid ku qabtay Qardho, ayaa ku beeniyay war ay soo  qoreen Website-ka Garoweonline.com, oo si toos ah ay u maamulaan Wiilashii Madaxweynihii Hore ee Puntland, Faroole, oo Saaxadda Siyaasadda Soomaaliya uga dhacay Darajada Senatornimada ee Aqalka Sare; Xaalad Labada Aqal ee Guddiga Dastuurku ay ka doorteen Warlord Cabdi Qaybdiid.

Website-ka Garowe Online, oo caan ku noqday Xiqdiga iyo Xaasidnimada ay u qabaan Madaxweyne Gaas, ayaa Boggooda ku baahiyay, June 29,2018, Warar been-abuur ah, oo LAGU KALA DHANTAALAYAY MIDNIMADA SHACABKA PUNTLAND IYO HALGANKA AY KU XORAYNAYAAN DEEGAANNADOODA; wararkaas, oo si daciifnimo iyo raqiisnimo ka muuqato, loogu baahiyay Baraha Bulshada. ayaa sheegayay in Madaxweynaha Dowladda Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, uu cabsi ka muujiyay Ciidamadii Guutada 48aad ee Gobolka Karkaar, ee uu  ku amray in ay ku soo biiraan Difaaca Jiidda Hore ee Tukaraq.

Bal Halkaan Hoose ka daawo Guddoomiye Caato oo u dhameeyay Website-ka Faroole ee Garowe Online, oo uu ku sheegay in aysan waxba ka aqoon Shuruucda Saxaafadda; islamarkaasna, istaahilaan in la soo hor-istaajiyo Sharciga iyaga iyo Hoggaamiyahooda Ruuxaaniga ah ee ku khalkhalay Siyaasadda!