(Daawo:) Shiikh Mucayid Shiikh Maxamad Aw Faarax, oo Ka Mid Ah Culimada Ugu Waaweyn ee Puntland, Ayaa ku Iftooday In Dagaalka Lagu Xoreynayo Gobollada SSC uu Yahay Jihaad!

Shiikh Mucayid Shiikh Maxamad Aw Faarax, oo ka mid ah Culimada ugu waaweyn ee laga wada yaqaan Gayiga Soomaaliya oo dhan, ayaa waxa uu Caasimadda Puntland, ee Garowe, uga dhawaaqay:

  • In Dagaalka lagu xoreynayo Gobollada SSC ee Puntland uu yahay Jihaad Xaq ah.
  • In Ciidamada Difaaca Puntland ay yihiin Mujaahadiin difaacaya Sharafkooda, Cirdigooda, Dhulkooda, iyo Dadkooda, oo iska difaacaya Fikirkii Gumaystaha ee Ingiriiska ee Waa’ Hore ka hirgeli waayay Geyiga Soomaaliya.
  • In Askariga ku dhinta Jihaadkaas aan lagu tukanayn Jinaaso, xaalad uu yahay Mujaahid ay u furan yihiin Albaabada Jannada.
  • In Qofkii ka munaafaqeeya Jihaadkaas Xaqa Ah, laga toogto Dhafoorka.

Shiikh Mucayid, oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa ugu baaqay Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntland, General Siciid Dheere, iyo Madaxda ugu Sarreysa Dowladda Puntland, in si deg-deg ah loo soo afmeero Jihaadka lagu xoreynayo Gobollada SSC ee Puntland.

Halkaan Hoose ka daawo Shiikha, oo sida ay tahay u sharraxaya Mowqifka Culimada Puntland, oo uu ku hadlayay Magacooda: