Yariisow Maxaa looga Xigsaday Gaas iyo Madoobe.?

Dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya ka curtay ayaa keenay in umada Soomaaliyeed iska aamin baxaan taas ayaa markaas keentay in qofkasta deegaankii uu kasoo jeeday dib ugu noqdo si Naftiisa iyo Maalkiisu ugu nabad galaan.

Dadka Soomaalidu iskuma dilin Diin, Shuuciyad, Dimograadiyad, Dhaqaalle, Dhulbalaarsi iyo kali Talis laakiin waxay ku dagaaleen Qabiil..Waana meesha maanta u baahan in la dhayo laakiin aad moodo in Dawlad kasta ay ka meer meerayso si loo daboolo xaqiiqda dhabtaa…

Da’daal badan oo la galay si umada isugu soo noqoto  isuna aaminto ayaa in mudaa dad Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku ka shaqaynayeen laakiin sida kaliya oo ay isku aamini karto Soomaali ayaa waxaa la ogaaday in ay tahay in ay wax wada yeeshaan waxna kala yeeshaan  taas oo macnaheedu Yahay Fadaraal.

Fadaraalka ayaa umada Soomaaliyeed u ogolaanaya in ay cid walba joogto deegaankeeda laakiin ay wax wadaagaan Dawlada Fadraalka Soomaaliya sida Lacagta,Qayraadka, Baasaboorka,Kastamka,iyo Milateriga,iwm.

Taas macnaheedu ma aha in aan qofku Soomaaligaa dagi karin deegaan kale, wax ka baran karin, ama ku noolaan karin meel kale oo dalkaa laakiin waa in Maamulo hoose la sameeyo kuwaas oo u adeegaya dadka deegaankaas meeshii ay u doonan lahaayeen Adeegooda Hoyga DFS Somaliya fadhido ee Muqdisho. Adeegaas ayaa ah sida Baasaboorka, Jaamacada, Duulista, Caafimaadka, iwm.

Arimahaan ayaa ahaa waxii kalifay in Soomaali dib isugu soo noqoto oo lagu heshiiyo walow ay dalal badan  dhexdhexaad ka ahaayeen si umadu isugu soo dhawaato laakiin wali waxaa moodaa in aysan Dawlada Fadaraalka Soomaalia aysan kasoo go’in in ay hirgaliso arimahaas oo dhan ayadoo u aragta in ay wiiqayso arintaan awooda Dawlada Fadaraalka meesha Madaxda Dawlad Goboleedyadu ka baqayaan   in ay dib ugu noqdaan kali taliskii dalka Soomaray iyo dagaalkii sokeeye kaas oo Dalka iyo Dadka maanta dhaxal siiyay meesha ay joogaan.

Tusaalle yar hadaan ka bixino arimahaan, waxaa DFS ay dalka ka joojisay Dawlada Imaraadka Tababaradii iyo Mashaariicdii ay dalka  Soomaaliya ka wadeen tan oo  loogu tala galay in lagu wiiqo awooda Puntland laguna xoojiyo Mashaariicda ay Xamar ka bixiso Qadar.

DFS ma awoodo in ay buuxiso kaalinta Imaaradku ka wadeen deeganada kale ee Soomaliyeed taas oo markaas u horseedaysa deegaanadaas Amni-xumo iyo qalalaaso siyaasadeed maadaama aysan DFS buuxin karin kaalintaas.

Kuwii Fahmay Fatahaadaas Siyaaseed waxaa laga dhigay Tuug aan la tala ahayn DFS meesha Gudoomiye yariisow ka bad baaday Dacaayadahaas Raqiiskaa…

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa waxaa  Madaxwayanaha iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya u magacaabeen Gobolka Banaadir Janaayo 21, 2018.

Mudo Sadex bilood  ah waxa Gudoomiye Yariisow la kulmay Safiirada Soomaaliya u fadhiya  Muqdisho sida Safiirka Igiriiska,Safiirka Norway, Safiirka Khadar, Safiirka Imaaraadka, Safiirka Turkiga iyo kuwo kale oo badan. Intaas oo Safiir  ah wuxuu Yariisow kala hadlay sidii ay uga hirgalin lahaayen Mashaariic lagu hor marinayo Gobolka Banaadir.

Waxaa la yaab ah meesha uu kula kulmayo Yariisow Safiiradaan waa Muqdisho waxaana dagan Dawladii Soomaaliyeed oo umada Soomaaliyeed oo dhan in mudaa  ka dhaadhicinaysay in Muqdisho tahay Caasimada umada Soomaaliyeed walow ay wali jiraan dad aan tagi karin Muqdisho oo wax lagu yeelay iyo kuwo wali guryahoodii la haysto oo aan tagi karin laakiin bal aan is waydiinee, Muqdisho ma Maamul Goboleed baa? Yariisowna ma Wasiir aan la ogayn baa.?

Maxaa marka Gaas iyo Madoobe oo ka shaqaynaya danaha dadkooda iyo deegaanka laga soo doortay dambiile ka dhigay meesha Yariisow oo Gacan ku rimis ah uu ka shaqaynayo danaha deegaanadiisa.?

Bal daawo Safiirada Yariisow Xamar kula Kulmay..

C/RAHMAAN …Hornafricmedia.