R/Wasaare Khayre Oo Amray In Xilka Laga Ceyriyo Gudoomiyaasha Degmooyinka maantay laga bilaabo haday.Daawo

Filed under: Somali Links,Warkii |

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin Culus u jeediyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilligan wajahaya culeysyo uga imaanaya Madaxda dowladda, kaddib markii lagu wargeliyay in wixii hada ka bilowda lagula xisaabtami doono shaqadooda.

“Runtii maalin dhoweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn  shaqadiina iyo amni darada magaalada waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaarsiiyay laga bilaabo maanta amniga magaalada waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabataan cidii shaqadeeda qabsan weyda waa in shaqada laga ceyriyaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre kulanka waxaa goob joog ka ahaay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow .

R/Wasaaraha ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray inaan loo dulqaadan karin maalmo bilaash uga luma dowlada taasoo aan lagu qabanayn shaqo wax ku ool ah oo qusaysa Amniga iyo bad baadinta caasimada.