Maxaa ka jira in iscasilaadii Jawaari ay ka dambaysay Lacagtii Shalay.

Filed under: Somali Links,Warkii |

Senetor Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Golaha aqalka sare ee dalka ayaa sheegay in uusan tuhmeynin in uu guddoomiyihii hore ee bGolaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu qaatay lacag.

Senetor-ka ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu qaatay  go’aan odaynimo hayeeshee waxaa uu sheegay in aysan jirin tuhunka qaarkii ee magaalada ku jira.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu u fududeeyay dadka iyo dalka islamarkaana go’aan gaaray xilli adag,waxaana uu intaas ku daray .

Senetor Xuseen,ayaa waxaa uu sheegay in uusan walaac badan ka qabin in sida golaha shacabka oo kale arrintan ay saameyn ku yeelato golaha aqalka sare ee dalka oo uu isaga ka mid yahay.

Sanator Xuseen ayaa intaas ku daray in Xukuumadda iyo aqalka sare uusan ka dhaxeyn xiriir toos ah markii horena aysan aqalka sare kalsooni siinin xukuumadda islamarkaana aysan saameyn ku lahayn shaqadooda.

Waxaa kale oo uu sheegay in qof damac siyaasadeed leh uu hunguri ka galo aqalka sare waxaase uu ku baaqay in hay’ad kasta ay shaqadeeda qabsato oo ay halkeeda ku ekaato.

Waxaa uu sheegay in ay ka baqayeen in dalka ay siyaasad xumo hor leh ka dhacdo,waxaana uu bogaadiyay go’aanka uu qaatay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.