Yaa Somaliland u Ogolaan karo iney Hesho “Ictiraaf” Ma Somalia mise Beesha Caalamka?

Maamulka Somaliland ayaa ku doodaya in sanado ka hor ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale islamarkaana ay yihiin Dowlad madax banaan oo Aqoonsi raadis ah.
Beesha caalamka ayaa wali Aqoonsan Somaliland waxayna u arkaan qeyb ka mid ah Soomaaliya ama maamul Goboleed hoos taga Dowladda dhexe ee Muqdisho.

Hadda Su’aasha taagan ayaa waxay tahay Yaa Somalia siin kara Aqoonsiga Dowladnimo ama “ Ictiraafka Dowladnimo’?

Dowlado badan ayaa isku dayay iney qabtaan shirar ay ku wada hadalsiinayaan Walaalaha Soomaaliyeed ee Hargeysa iyo Muqdisho balse hadaladaasi waxay noqdeen kuwo fashilmay oo aan waxba ka soo naasa cadaan.
Maxamed Jaamac Cali oo ka tirsan Diblomaasiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in cida keliya ee Ictiraaf siin karta Somaliland ay tahay Soomaalida laakiin aanay jirin cid kale oo ka madax banaan oo waxay u ordayaan u ogolaan karta ama siin karta.

Wuxuu ku booriyay iney Muqdisho yimaadaan kana dhaadhiciyaan umadda Soomaaliyeed muhiimada ay u leedahay gooni isu taaga islamarkaana baahidooda Shacabkooda Soomaaliyeed u soo bandhigaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa diidan in Aqoonsi la siiyo Somaliland islamarkaana Soomaaliya inteeda kale ka go’do.