AKHRISO:- Talaabadan Haddii La Qaado Waa Mid U Wanaagsan Amniga Magaalada Muqdisho!!

Muqdisho waa Magaallo aan Amni wanaagsaneyn dadka qaar waxa ay yiraahdaan Naf bini’aadam lagu aamini karo wallow ay jiraan aragtiyo kuwaas diidan sida loo nool yahay markaad Aragto.
Degmooyinka Muqdisho hadda waxaa maamula wiilal iyo gabdho ay niyaddoodu raacday gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed waxay mushaar ahaan u qaataan min 2,000 oo Dollar.
2,000 oo dollar kana dheeriya Mushaarka Gudoomiyaha degmadda waxaa lagu bixiyaa ilaaladdiisa 4,000 oo dollar ayaa iyana lagu bixiyaa Running Coast-ka Degmada si howlaha Xarunta degmada kasocda loo fududeeyo Xal Amni haba sheegin.
Sidaasoo kale 2,000 oo Dollar oo wadarta Lacagta Degmada soo gasha ka dhigaysa 10,000 oo Dollar iyana waxaa lagu bixiyaa Howlaha amaan ee Degmooyinka Muqdisho.
Sidaan wada ogsoonahay Ciidanka Dowladda Qeybohooda kala gaddisan waxaa tan iyo 2012-kii kusoo biirayey Dhalinyaro waddaniyad ayku jirto lehna kalsooni hogaamineed.
Qaar badan oo iyaga kamida waxa ay leeyihiin Darajo Ciidan bal Qiyaas Haddii Gudoomiyaal loo magacaabo xaalka Amni siduu ahaan lahaa?
Dadka Reer Muqdisho waxay dalbanayaan in Gudoomiyaasha lasoo magacaabayo ay badankood Noqdaan Saraakiisha Ciidanka Si Amniga wax looga badalo.
Saraakiisha Ciidanku waxa ay Codsanayaan In Nidaam Ciidan laga hirgaliyo Degmooyinka Muqdisho si Amniga Caasimadda loo hagaajiyo oo Saraakiisha loo magacaabo Gudoomiyayaal Degmo, Kala bar ama wax ka badan taasoo noqon karta Xalka Amni ee Muqdisho Mudada Dheer loo Raadinayay.