DG Somaliland oo ku dhawaaqay in sabab la yaab leh ay ku joojinayso wadahadalkii ay la lahayd Somalia.

DG Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay  hakin ku samaysay wadda hadaladii dhex mari lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay xarunta golaha wakiilada ayaa sheegay inaanay jirin duruuftii saamaxaysay in dib loo furo wada hadalka.

Wasiir Sacad ayaa sheegay inay mudo bil ah dib u dhigeen wada hadalkii ay la yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya.

“Wadda hadalada inaynu la galno waa arinkii baarlamaanku ansixiyey ee dawlad ahaan aynu qaadanay kamaynaan noqon balse wakhtigan xaadirka ah duruuftii saamaxaysay in la wada hadlaa ma jirto marka mudo bil ah ayaanu dib u dhignay wada hadaladii” ayuu yiri Wasiir Sacad Cali Shire.