SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo si Balaaran loogu soo dhaweeyey Garoowe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhaw wuxuu soo gaaray Magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland, halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Farmaajo iyo xubnihii Wafdiga la socday, ayaa Garoonka diyaaradaha waxaa loogu soo dhaweeyay si wayn, waxaana halkaasi lagu sii diyaariyay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha u diyaarsanaa salaana uu ka qaatay.

Sidoo kale dad aad u fara badan oo xaafadaha Magaalada Garowe isaga kala yimid, ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ee maanta ka dagay Magaalada Garowe.

Ammaanka Garoowe ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo tiro ciidamo ah oo ka soo horeeyey Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb gali doono munaasabad kooban oo xariga looga jaraayo dhismaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe oo dib u dhis lagu sameeyay.

Goordhow ayaa madaxweyne Faraajo iyo Gaas si wada jir ah ula hadli doonaan saxaafada iyagoo ka warbixin doona socdaalka Madaxweynaha.

Sawirro