Kulankii Ansixinta Golaha wasiirada Hirshabelle oo kooram la’aan u baaqday & Muran ka yimid Xildhibaanada

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo kulankii maanta lagu waday in ay ku yeeshaan magaalada Jowhar ayaa kooram la’aan u baaqday, kaasi oo la qorsheynayay in lagu ansixiyo Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Hirshabeelle Maxamed Waare.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ka sokow kooram la’aanta uu u baaqday, Waxaa weheliyay muran iyo dood ka taagnaa xuquuqda Xildhibaanada oo aan muddo 7 bil wax mushaar ah qaadan, Xildhibaanada ayaa loo balan qaaday in la siinayo mushaarka labo bilood, inkastoo qaarkood ay diideen, ayna dalbadeen in dhamaan inta bil ee ka maqan la siiyo.

Madaxtooyada Hirshabeelle waxaa ka socda dadaalo lagu qancinayo Xildhibaanada oo ku aadan ansixinta Golaha Wasiirada, iyadoo Xildhibaanada qaar ay dalbanayaan ka hor inta aanay ansixin in la siiyo xuquuqda ka maqan oo ah 7 bilood.