Shacabka Cabudwaaq oo sheegay inaysan jirin Shabaab deegaanadooda soo galay

Qaar ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Caabudwaaq ee Galmudug ayaa beeniyay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay galeen degaano hoos yimaada Magaalada Caabudwaaq.

Shacabka oo sameeyay Banaanbax waxa ay sheegeen in aysan jirin Shabaab yimid Caabudwaaq iyo degaanada hoos yimaada.

Waxa ay sheegeen in aysan aqbali doonin in Shabaab ay soo gaaraan Caabudwaaq, islamarkaana ay la dagaallami doonaan.

Maalmihii lasoo dhaafay Warbaahinta qaar waxa ay sheegeen in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gaareen degmada Caabudwaaq, waxaana taasi beeniyay hadda Shacabka iyo maamulka degmadaasi.