Dowladda JFS Ayaa Si Buuxda U Taageertay Go’aankii Baarlamaanka Maamul-Goboleedka Ku-Meel-Gaarka Hirshabeele ee Xilka Looga Xayuubiyay Cosoble!

 

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa mowqif cad ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee Maamul Goboleedka Hirshabeele; iyada oo taageertay go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka uga qaadeen Madaxweynihii-Hore, Mudane Cali Cabdulaahi Cosoble.

Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxa Warbixin looga dhegaystay Wasiiradii Jowhar u tagay xaqiiqo-raadinta xiisadda Jowhar ka soo cusboonaatay.   Wafdigaas, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee JFS, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa waxa ay Golaha Wasiirada uga warbixiyeen kulannadii ay la soo qaateen dhinacyadii kala duwanaa ee ku hardamayay Maamulka Hirshabeele.

Golaha Wasiirada ayaa ku qancay Warbixinta Wafdiga JFS, dabadeedna ayiday Go’aanka Baarlamaanka Hirshabeelle ee xil-ka-qaadistii Madaxweynihii-Hore ee Hirshabeele.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa gabogabadii kulankaas saxaafada u akhriyay war murtiyeed ku aaddan mowqifka Dowladda JFS ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee Hirshabeele.

Halkaan hoose ka akhri, warsaxaafadeedka oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Arimaha Gudaha ee DJFS, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa):

Dowladda JFS, oo Si Mug Leh U Taageertay Go’aankii Baarlamaanka Maamul-Goboleedka-ku-Meel-Gaarka ee HirShabeele